T A C S I   :    "INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN" إنا لله و إنا إليه راجعون
talaal
Bahda Shabakadda jammaame.com,waxay halkaan usoo marinayaan Tacsi kulul,ahalkii ay ka baxdey marxuumad:Xabiibo Ibraahin Nuur. ,tacsi uga soo direyn dunida darfaheeda ahallada iyo macaariifta.. waxaanu leennahay, marxuumadda Ilaahay ha u naxariisto ahalkiina Samir iyo iimaan Alla ha ka siiyo.
Marxuumad : Xabiibo Ibraahin Nuur.
كل نفس ذائقة الموت

INAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN"

INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN
Aniga oo ku hadlaya magaceyga, magaca odayaasha daqanka ee degan magalaada Marka iyo dhammaan ehelka ku nool isla magaalada Marka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa walaalkeena Siidow Ibraahim Caddow oo xaaskiisa marxuumad Xabiibo Ibraahim Nur oo xalay ku geeriyootay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaan marxuumadda Eebbe uga baryeynaa in uu ka waraabiyo Janaatul Firdowsa, dhammaan ehelka, qaraawada, iyo asxaabtii ay ka geeriyootayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo aamiin aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin
Maxamed Sh.cabdi (M.Somali)


INNA-ILAAHA WAA INNA ILEYHI RAJACUUN
Waxaa ina soo gaartay geeri naxtin leh, waxaa Nairobi ku geeriyootay Xabiibo Ibraahim Nuur, xaaskii Dr. Sidow Ibraahim Caddow. Waxaan ILAAHAYka baryeyna inu marxuumadda ka waraabiyo kuna waariyo Jannadiisa Fardowsaehelada ay marxuumadda ay ka baxdayna, inu samir iyo iimaan ka siiyo.
Waxaan Tacsiyo u dirayna, Dr. Siidow Ibraahim Caddow, carruurta ay ka tagtay marxuumadda, iyo walaalaheeda oo kala ah:
Luul Ibraahim Nuur, Cabdi-Casiis Ibraahim Nuur iyo Aweys Ibraahim Nuur.
Maxamed Abuukar, Barlin Cali Cabdi iyo Seynab Cali Cabdi


INNA-ILAAHA WAA INNA ILEYHI RAJACUUN
ilaahey ha u naxriisto xabiibo ibraahim nuur, waxaan tacsiyo gaar ah u direyaa dr siidow ibraahim caddow iyo dhammaan reer ibraahim nuur meelkasto ay ka joogaan dunida korkiisa, iyo weli dhammaan ilmaha iyo ehelkii ay dhaaftey marxuumada,ilaahey waxaan ugu baryeynaa marxuumadda naxariistii janno ka waraabiyo.dhammaanttena samir iyo iimaan ayaan idiin leeyahay.
said mohamed ali


INNA-ILAAHA WAA INNA ILEYHI RAJACUUN
geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumadda Xabiibo Ibraahim Nuur. Ilaahay ha ha u naxariito, marxuumadda,hana ka waraabiyo xowka nabigeenna, hana ku manneysto jannatul firdowsa.
samir iyo iimaan ilaahay ha ka siiyo ahalka m gaar ahaan DR. Siidow Ibraahin cADDOW , awlaadeeda, ahalkeeda, bacdigeedana ilaahay nama fidneeyo.
aamiin...aamiin... aamiin.
Xasan Sheekh Cismaan


INNA-ILAAHA WAA INNA ILEYHI RAJACUUN
Aniga ah Faarax Sh Maxamuud Qasim(Faaraxdacas) iyo xaaskayga waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa walaalkeena Siidow Ibraahim Caddow oo xaaskiisa marxuumad Xabiibo Ibraahim Nur oo ku geeriyootay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaan marxuumadda Eebbe uga baryeynaa in uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa, dhammaan ehelka, qaraabada iyo asxaabtii ay ka geeriyootayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo aamiin aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin
Farah Mohamud Kasim


Anigo ah C/jabbar axmed Xuseen oo ku hadlaya Magacayga iyo midka Reer Axmed Xuseen Tifow waxaan Halkaani Tacsi tiiraanyo u dirayaa Geeridi Naxdinta lahayd ee ku timid marxuumad Xabiibo Ibraahim Nur waxaan halkaani ugu tacsiyenayaa
Sidoow Ibraahim Cadow iyo Caruurtisa
Awees Ibraahim Nuur Xaaskiisa iyo Caruurtis
C/casiis Ibraahim Nuur Xaasikisa iyo Caruurtisa
Maxamed Ibraahim Nuur Xaasikisa iyo Caruurtisa
Luul Ibraahim Nuur iyo caruurteda
Batuula Ibraahim Nuur iyo Caruurteda
Waxaan marxuumadda Eebbe uga baryeynaa in uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa, dhammaan ehelka, qaraabada iyo asxaabtii ay ka geeriyootayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo aamiin Bacdigeeda ILAAH nama Fidneeyo Amiin Amiin
Abdulljabbar Ahmed Hussein


Innallilaahi Waa Inna Illeyhi Raajicuum
Geeridu waqa xaq oo waa sunno Illahi ah, qof kasta oo aan jecelnahay ama na jecel maalin un ayaa kala faaruqeynaa. Walaasheenna Xabiibo Ibraahim Nuur waqtigeeda ayey ku baxaday, waxayna u guurtay gurigeedii runta ahaa ee Eebe ha ugu dhigo guri ka mid ah guryaha ku yaal Beeraha Jannatul Firdowsa.
Intaa ka dib, anigoo ku hadlayaa magaceyga, kan xaaskeyga, kan reer faqi Cusman iyo dhamman ehelaha ku nool dalka Australia oo ay ugu horeyaan Dr Cismaan Raajo iyo xaaskiisa Drs Amina Cali Cabdalla, waxaa tacsi murugo leh i dirayaa Walaalkey Dr Sidow Ibraahim Caddow, carrurtiisa iyo Reer Ibraahim Nuur oo kala jooga danimark, Sweden, Ingriska iyo Somalia, geeriga ku timiday Marxuumad Xabiiba Ibraahim Nuur oo ku geeriyootay dalka Kenya magaalada Nairobi.
Waxaan marxuumadda Eebe uga baryeynaa inuu gurigeeda runta ah ka dhigo Jannada Firdowsa, inta ay ka tagtay oo ay ugu horeyaan Dr Sidow Ibraahim iyo carrurteeda iyo reer Ibraahim Nuur iyo dhamman beesha Biimaal inuu samir iyo imaan naga siiyo Amiin, Amiin!!!
Samir iyo imaan
Dr Nuur Fiqi Cusmaan


INAA LILAAHI WAA INAA ILEEYHI RAAJICUUN.
Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan reer Sheeq Ismaaciil guud ahaan waxaan halkaan tacsi uga dirayaa Dr. Siidoow Ibraahim Caddoow iyo dhamaan reer Ibraahim Nuur geeridii naxdinta lahayd ee ku timid walaasheen Xabiibo Ibraahim Nuur waxaan marxuumadda Ileeheey uga baryayaa inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo anagana bacdigeeda Ilaaheey nama fitneeyo.
Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin.
RAMADAAN KARIIM.
Ciise Xaaji Ismaaciil.


Inna LiLaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun.
Dhamaan reer Caddow Cabdalle waxaan tacsi u direenaa Dr. Sidow, iyo ubadkooda,reer Ibrahim Nuur, ehelada, qaraabo iyo dhamaan tolka.
Waxaan leenahay samir iyo iimaan, marxuumadda Qabrigeeda Allah u waasiciyo unna nuuriyo, Jannatul Firdaws Allah ka waraabsho. Aamiin
Ibrahim Cabdullahi Caddow


Inna LiLaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun.
Anigoo ku hadlaayo magaceyga iyo magaca reer Cabdi Muuse, reer Sheekh Xasan Yerow,iyo dhamaan qaraabada meel kastoo ay joogaan, waxaan tacsiyadaa Naxdinta leh la wadaageynaa sida aan u dhannahay, Dr. Siidow Ibraahin Caddow , iyo ubadkooda,reer Ibrahim Nuur, ehellada, qaraabo iyo dhamaan tolka.
Waxaan leenahay samir iyo iimaan, ilaahay ha inaga woda siiyo Marxuumad: Xabiibo, Qabrigeeda Allah u waasiciyo una nuuriyo,kitaabkeedana midigta Allaha ka siiyo, Jannatul Firdaws Allah ka waraabsho.
bacdigeedana Allaha Kariimka ah nama fidneeyo.... Aamiin Aamiin Aamiin
Madiina Maxamed Cabdi Muuse


Inna LiLaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun.
Waxaan tacsi u dirayaa walaalkeen Siidow Ibrahim Caddow iyo dhammaan qoyska reer Ibraahim Nuur, geeridii naxdinta laheyd ee ku timid marxuumad Xabiibo Ibraahim Nuur oo 31kii bisha August ku geeriyootey magaalada Nairobi ee dalka Kenya laguna aasey qabuuraha muslimiinta ee Langata. Waxaan marxuumadda Eebbe uga baryeynaa inuu jannadii firdowsa ka waraabiyo, qoyskii,eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyooteyna samir iyo iimaan ka siiyo.
Aaaaaaaaaaammmmiiiinnnnnnn.
Maxamed Cali Key


Go Home

www.jammaame.com