Waxaa dadweynaha ay is weydiiyaan , dhibaatadaan ka taagan dalka , isla markaana aan u soo muuqan xal in laga gaaro, maxaa u sabab ah?maxaase loo waayey aragti ku saleysan caqli iyo xisaab?.
So'aalladaasi in laga jawaabo keli waxay u baahantahay in marka hore dhan loo joogsado , laga leexdo herdinta ka taagan dalka gudahii, loona fuulo buur dheer sidii loo arko waxa ka socdo dalka gudahiisa iyo debeddiisa.
Haddaba qacmaha aan is qabsanno, aan fuullo buurtan dheer dibna aan usoo jeedsanno ,ku daalley socodkaye bal aan fariisanno jilibkana laabanno, fiiro dheer aan u yeelanno .
War yaab badanaa, fiiri labadaa is haysta, kuwaa kale ayaaba ka daran oo budh isu woda haysta, waxaaba ka daran kuwan is hor taagan ee is woda gaadaayo,war yaab badanaa, maxay isku woda haystaan?!
Bal dhankaa fiiri kuwa is dhisaayo ee dabada uu xirigga ka laad laado, is moodaayo inay nabad ku socdaan, oo goortii la doono xarigga lagu soo jiidi karo, intuba waaba iska roonyihiin, bal fiiri kuwa ku dheggan gacan dad kale ee doonaayo inuu mid walbo ku dharbaaxo gacanta uu gadaal ka haayo!!.
Waxaaba kasii yaab badan kuwa kan ee is gaadaayo ee meedadka dhar ka doonaayo inay ka furtaan , oo mid walbo uu doonaayo inuu ku darsado kan kale dharkiisa, gaatin isku woda jiro, bal yaa meedka horta dharka kasoo furidoono is leh!!.
Hayaay, bal fiiri kuwan , tooreyda hoosta ku woda sito, ma ayagaa isku sita mise halka ay farta uu mid walbo ku tilmaamaayo ayuu u sitaa!!, midbaaba mid hoosta ka geliyey toorreydii, fartiisana weli dhanka kale ayay tilmaameysaa, midbaa isagana kusoo daba jiro oo doonaayo inuu ku dhufto toorreyda!!.
Cajiib war meesha dal mooyee dad ma joogo , waa woda dugaag!! Nin yahow dugaagta meel ha kaga dhicin, waayo waxyaabahaan oo kale kama dhaco deegaannadooda, midba midka kale ayuu ku tixgeliyaa deegaankiisa, waa runtaa dugaagtu waa ay dhaamaan kuwaan.!!
Haddaba maxay kula tahay dhibaatadaan, xaggey ka socotaa, maxaa keeney, mase dhamaanidoontaa?!
Dhibaatadaan waxaa keeney, madax adeegga Soomaaliya, haddii la helo dad garowshi leh, waxaan oo idil waa ay dhamaanayaan, hase yeeshee kuwa madaxda isku sheegaayo ayaa ah kuwa dhibaatada wodo, haddiise dadka ay ka tashadaan, oo ay dantooda ka raacaan, waxay arrinta u dhamaaneysaa in dadka ay soo raacaan.
Shacbiga Soomaaliyeed ayaan weli ogeen inay ayagu yihiin kuwa ay dowladda ku dhisantahay,kana dhisantahay,iyo inay yihiin kuwa awoodda leh, ee haddii ay dhan kasoo jeestaan aysan jirin wax ka hor imaan karo, hase yeeshee nasiib darrada ayaa waxay tahay dadkii oo aan ogeen xuquuqda ay leeyihiin, taasina waxay dhashey inuu marba soo hor istaago daneyste, kuna dhawaaqo inuu dantooda ka shaqeyndoono, ayagana ku raacaan.
Taasi waxaa keeney aqoon la'aanta xuquuqda dadka, iyo daneystayaal aan leheen beer naxo, ilaa ay ka gaartey inay ubadkii baabi'iyaan, ku halaagaan xabbad sokeeye iyo mid shisheeye, ayaga oo og inuu dalka ku jiro gacan shisheeye, amase gacmo dowlado shisheeye, oo aad u fara badan.
Inta dalkaan u durbaan tumeyso ee muuqda iyo kuwa aan muuqanba, waxay ka shaqeeyaan sidii uusan dalkaani ku degi leheen, taasi oo ay ku woda wotaan danahooda gaarka ah,haba oogu yeraato sidii ay usoo dhaafsan lahaayeen xoola duureedka, dhuxusha, dhirta, abuurka , dadkana ku dar, dhulka hadduu u qaadmi lahaana waa ay ku darsan lahaayeen, uma suurtageleyso mooyaane.
Haddaba waxa leysku haysto ayaa ah, reer hebel madax nooma noqonkaro, iyo reer hebel nama maamuli karo, ay u dheertahay war xoolaha yaa la jogo? War geela yaa la joogo? Iskaba daa anaa la joogee!! War ninkii geela duur daaqaayo ninka yiri aniga ayaa iska leh, marba haddii la dhihi waayey, waa lala joogaa, maxaa laga sugayaa maamul iyo madaxtinimo hadduu arko inuu sameeyo!!
Bal aan u sheegno waxa ay ku woda dagaallamayaan inuu woda deeqo, ayaga kelina inaysan iska leheen, ee lala leeyahay.!!
Soomaaliyeey waxa aad ku dagaallameysan keligiin ma lihidiin, ee bal dadka la tashada, garaabidna yeesha,garna ha idin gasho, hana idin kan go'do, kii gardaranna ha qirto inuu gardaranyahay, gurigiisana ha ilaashado, ha ka tego guridadaad iyo xoolo dadaad, hana daayo maamul ayaan gurigaaga u dhisayaa, iyo aniga ayaa ku maamulaayo.
Haddaadan intaa isu quurin nabadda waxay idin ka noqotey mid sheley tegtey, hana sugina , ubadkiinnana ha noqdaan in badda ku idlaatey iyo in gaajo laaysey, iyo inay dugaagta raamsatey, iyo in jirkooda laga beec mushtarey, iyo daroogada deres la noqotey, taasi oo ah ku dad la'aada, ugu dambeentiina ku dal la'aada.
Miyaysan ahayn dhibaatadu madax adeegga Soomaaliyeed , ee aan caqli iyo xisaab toona ku dhisneyn!!
Waa hadal nin weyn yidhi.haddaad garaabeysaane!!