Qoraalkeyga aad ayuu u dheeraadey , waxaana ku soo gadaamayaa, laba qodo oo kala ah , mahad celin aan u jeedinaayo wiilkeyga dadaalka badan Axmed Nuur Cabdi yerow oo dhowr jeer ooh ore magaalada kasoo gudbiyey war bixinno gaar ahaan xagga wax barashada, waxaana sii gaar ah u xusayaa, dhabaatada ka keentey , oo ah, inhorey ay u kulmeen nin ay saaxiib ahaayeen, oo ku yiri, ayada oo laga hadlaayey, wax barasho xumida ka jirto jamaame, ayaa waxuu ninkaasi ku yiri, "wiilashiinna sidaan jaahil ha u ahaadaan, kuweennana wax barasho ayay wodaan, burrito, wiilashiinna kuweenna ay u noqondoonaan shaqaale".
Hadalkaasi wiilkeyga Axmed wuu ka gubtey, hase yeeshee dadka magaalada la deggan arrintaasi ma aysan dareemin, taasina waqti ayay qaadatey, sidii ay dadka deegaanka ay ku fahmaan, haddase waxaad mooddaa inay dareemeen, hase yeeshee waxaan leeyahay dadkaani yaan laga daalin, sidaan ha loogu sheego maalin ayaa la helidoonaa, dad waxgarad ah, oo dhisa jiilalka soo socdo.
Qeybta labaad waxaan taageero usoo jeedinayaa baaqa ka soo yeerey Axmed Nuur iyo Xaaji Maxamuud Hamuunle ee ku aaddan in si degdeg ah gargaar loogu fidiyo carruurtaa wax barashada u heellan ee la idin soo gudbiyey, oo sawiiradooda ay ka muuqato baahida weyn ee ay qabaan, xagga dugsiga, xagga taageerada macallimiinta. Xagga carruurta laf ahaantooda.
Waxaan maamulka shabakada jammaame ka codsanayaa inay iga gaarsiiso qurba joogga ku abtirsado jamaame inay gaargaar degdeg ah u gudbiyaan dugsiyada ka jira magaalada , halkaasi oo markii aan la xariirey aan ka war heley inay u baahanyihiin in laga taageero xagga macallimiinta oo aan dhaqaale loo haaynin.
Qof kastaa haddii uu bishii u qoondeeyo 100$ amase 50$, waxaa hubaal ah inay meel weyn kasoo baxeyso, taasi oo qof walbo ee shaqeeya qurbahana joogaa oo ilaahay wujigiisa u baxsadey, ay u noqoneyso sadaqo joogta ah, isla markaana uu ku dhisaayo mustaqbal ubad ka mid ah ubadkiisa, sadaqadaasi oo ilaahay uu ballan qaadey inay irrido badan ka dabooli doonto.
Siiba bishaan barakeysan waxaan codsanayaa in taageero dhaqaale loo gudbiyo jamaame oo lagu talagelaayo sidii loo hor marin lahaa dugsiyadaasi.
Waxaa kale oo aan idin soo jeedinayaa, oo aan idin ogeysiinayaa aniga laf ahaanteyda inaan ka mid ahay odeyda gargaarka u diro siiba xagga wax barashada haddii aad dooneysaanna aan diyaar u ahay inaan u gudbiyo lana xariiro odeyda maamulka haayso oo uu ugu horreeyo xaaji maxamuud Hamuunle.
Waxaadna igala sloo xariiri kartiin emailkeyga hoosta ku xusan,haddii aad dooneysaan waxii dheeraad ah, amase mobilkeyga oo ah : 0508604079 ,waxaadna soo dhigeysaan Qaran, Mustaqbal , Dahabshiil, Amal..jeddah, diyaarna waxaan u ahay inaan jamaame waxii laga qabanaayo u gudbiyo, isla markaana dib idinkusoo gudbiyo.