Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

06/09/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Dugsiga Imaam shaafici(Q5)

ardeyda gargaar u baahan

Sidaan qoraalkeenna hore kusoo xusney waxaan isku deyayaa inaan qodobadaan dib u raaco, kaasi oo aan u kala saarey ilaa iyo 4 qodob.

4-Isu dheelli tirnaanta loo baahanyahay

Qoraalladeyda hore waxay ahaayeen kuwa ku saabsan dugiga iyo ardeyda iyo macallimiinta, hase yeeshee waxaan isku deyayaa inaan soo gudbiyo waxa ka dhiman ee loo baahanyahay inay la yimaadiin reer jamaame iyo inta ku abtirsato deegaanka oo idil.

Runtii jamaame waa deegaan barwaaqo oo intii taqaan ay woda ogyihiin, hase yeeshee siyaasad ahaan ayaa loo burburiyey, laga soo billaabo gumeysigii talyaaniga ilaa iyo intii ay Soomaaliya dowlad kasoo jirtey, ilaa iyo burburka maanta lagu suganyahay.

Haddaba waxaa loo baahanyahay in la helo ilo dhaqaale ku saleysan dhisidda bulshada ay oogu horreeyaan: -

1- dugsiyo:-

waa in dugsiyadaha magaalada lagu saleeyaa waxbarashada noocyadeeda oogu dambeeyo, taasi oo ah in lagu dhigo afafka la jaan qaadi karo dunida, taasi oo ka dhigan inay waxbarashda lagu qaato , afafka Soomali. Carabi. Ingiriis, iyo talyaani, faransiis.

Taasi waxay sahalyeeleysaa, in dugsiyadaasi loo helo ilo dhaqaale, hase yeeshee waa in marka hore ay isu xilqaamaan dadka amase macallimiin u dhashey gobolka oo diyaar u ah inay meel mariyaan aqoontaasi, isla markaana u muuqdaan kuwa diyaar u ah inay laf ahaantooda korosadaan aqoontooda.

Haddii la helo waxbarasho ceenkaa ku saleysan waxaa dhicikartaa in loo helo hay'ado dowli ah , oo gargaar u fidiya dugsiyadaasi, ayaga o ka raacaayo dhanka siyaasad ahaan inay lug ku yeeshaan dalka gobolkiisa kiinfureed, oo ah meel dhaqaale, lagu ogyahay, taasina waa in markaa ay ka faa'iidaan dadka deegaanka oo idil.

Dhismaha dugsiyada waa inay ahaadaan kuwa u dhisan heer casri ah, inkastoo aysan jirin wax dhaqaale ah, hase yeeshee haddii ay odeyda magaalada ay sameystaan guddi maamula dhaqaalaha oo ay sameystaan meel ilo dhaqaale loogu soo hagaajiyo isla markaana badiyaan xariirkooda, waa hubaal in wax ay helidoonaan.

Waxaa marka hore loo baahanyahay inay la yimaadiin dhaqdhaqaaq ay wax ku muujinaayaan , taasi oo ah dhulkii, iyo dhagax dhigid asaasidda dugsiga, marka ay taasi la yimaadiin , hay'ado iyo intii wax baxsad doonaaya, waa ay soo gargaari karaan, waxaase laga doonayaa inuu noqdo dhaqaalaha ku baxaayo ee debedda ka imaandoono inuu noqdo mid wax qabadkiisa uu muuqdo sidii dadka amase hay'adaha oogu dhiirinaadaan.

2- dhaqaatiir.

Magaalada jamaame waxaa jog dhaqaatiir iyo kalkaaliyayaal oo u dhasey degaanka, iyo kuwa debedda ku maqan oo magaalada u imaankaro booqasho isla markaana shaqo ka qabankaro inta ay joogaan.

Hase yeeshee waxaa saran odeyda inay arrintaasi iska xilsaaraan, dadkana ay ku wacyi geliyaan, meesha ay Kismaayo iyo Xamar ay xanuun oogu aadayaan , inay meeshooda oogu kaaftoomaan, haddii taasi la helo caafimaadka iyo aqoonta waxaa ay noqondoontaa jamaame meesha Soomaaliya soo tiigsato, waxaase ay taasi saarantahay sidii ay oogu dhaqaaqaan wax garadka u dhashey deegaanka.

3-Magaalada iyo maamulka ay u baahan tahay

Jamaame waxay u baahantahay oo keli mideeyaan aragtida dadka deggan , kuna saleeyaan sidii ay u hor marin lahaayeen magaaladooda, siiba marxaladda maanta uu dalka maraayo, waa inay sameystaan guddi odeyaal , guddi hooyooyin, guddi dhallinyero , kuwaasi oo keli u xilsaaran sidii loo dhisi lahaa magaalada iskuna wacyi geliyaan, in mustaqbalka soo socdo ay jamaame noqon karto meesha loo soo hiigsado nidaam iyo kala dambeen.

Magaalada jidadkeeda waxay ku sameenkaraa iskaa wax u qabso sidaa oo kale dugsiyadooda, iyo isbitaalladooda, waayo haddii qof kastaa ee magaaladaa ku nool uu keeno taladii meel lagu hagaajin lahaa , leyskuna raaco, waxaa hubaal ah in magaaladaa ay ka muuqankarto dalka oo idil, taasi waxaan ka wodaa haddii dhallinyerada ay diyaar u yihiin maalin iskaa wax u qabso usbuuci, odeyda iyo haweenkana sidaa oo kale waxaa dhicidoonto in ay yeelan karaan meelo ay ku faanaan, dunidana kaga deyato.

Haddiise uu qof walbo uu tilmaan ka dhigto mid mashaqeyste ah, meesha kii shaqeystaha ahaa loogu deyanlahaa, waxay ahaandoontaa mid kasii liidato heerka ay maanta taagantahay, waayo haddii maalintii ay dowladda burburtey ilaa iyo maanta ay wax woda qabsanlahaayeen, maanta heer jaamacadeed ayay gaari lahaayeen, hase yeeshee waxay ku deydeen kuwa aan dantooda aqoon ee ber wax u arag ah, saa darteed maanta jamaame dugsiyadeeda waa taa aan aragno, meesha Kismaayo , iska daaye, afmadow oo ah meel tuulo markii jamaame loo fiiriyo ay jaamacad ka leedahay.

Hase yeeshee reer jamaame weli waqtiga ma dhaafin , waa ay haystaan , saa darteed waxaa soo jeedinayaa inay si dhaqsi ah u dhaqaaqaan, ayaga oo fiirinaaya tobansano inta ka dambeyso meesha ay gaari karaan haddii ay isku duubnaadaan, kuna dhaqaaqaan wax qabadka ay ku hormarinayaan magaaladooda.

Waxaan kusoo koobayaa, waa in leysu dheellitiro baahida iyo wax qabashada, si loo gaaro hor kac aan kala sarreynin, dhanka waxbarshada , dhanka caafimaadka, iyo dhanka maamulka iyo dhanka nabadgelyada deegaanka, iyo dhanka wax soo saarka beeraha .

Qoraalka intiisa kale la socodo
Guddoomiyaha Maamulka BBB
Xasan Sheekh Cismaan
Gasba278@hotmail.com
g_bbb62@hotmail.com

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005