Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

06/09/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Dugsiga Imaam shaafici(Q4)

Sidaan qoraalkeenna hore kusoo xusney waxaan isku deyayaa inaan qodobadaan dib u raaco, kaasi oo aan u kala saarey ilaa iyo 5 qodob.

3- Tirada Macallimiinta 4 maccaalin

Sida ka muuqato sawirka macallimiinta aad ayay oogu yeryihiin , inkastoo aan ognahay in magaalada jamaame ay joogaan ilaa iyo in ka badan 50 macaalin, iyo rag badan oo awood u leh inay waxbarashada ka qeyb galaan, hase yeeshee sawirka waxaa ka muuqdo ilaa 4 macaalin.

ardeyda gargaar u baahan

ardeyda gargaar u baahan

Haddii ay xaqiiqada tahay in 850 ardey ay keli leeyihiin tiradaa macallin, waxaa inoo muuqanaayo sidaan horey usoo sheegey dhibaato aad u ballaaran , taasi oo gargaarkeeda laga doonaayo inay iska kaalmeystaan kuwa ubadkooda dugsigaa dhigtaan iyo intii wax baxsaneyso ee walaalaha Soomaaliyeed ilaa ay ka helaayaan wax tar dunida ooga timaado.

Macallimiinta ayaa waxaa ka muuqdo dhibaato aad u ballaaran, taasi oo ah ayaga oo aysan ka muuqan heybadda aqoonta, waayo waxay ka tirsanyihiin, kuwa sida sifo ka tirsan sifooyinka ilaahay oo ah, "Cilmi", waxaana loo baahanyahay macallinka inuu ahaado mid ay ka muuqato heybad iyo sharaf, siiba hugiisa, iyo jirkiisaba inay ahaadaan kuwa u dhisan mid u qalmo, aqoon ., hase yeeshee haddii uu usoo labisto sida qof u jeedo inuu maqaaxi fadhiisto amase inuu gidaar soo fadhiiso , ka dibna gurigiisa usoo laabto, waxay ka dhigantahay inuusan sidin heybaddii aqoonta, marka taasi waa mid loo baahanyahay inay macallimiinta ka waantoobaan.

Liidashada ka muuqato macallimiinta waxaa ka dhalan karo inay ardeyda laftooda aysan leheen macallin ay heybaddiisa soo hiigsadaan oo ay ku deydaa burrito marka ay weynaadaan sidiisa noqdaan, saa darteed macallinku waa inuu ogaado inuu yahay barbaariye, horjoog iyuo hormuud u ah ubadka uu waxbaro.

Waa run inaysan jirn dhaqaale, taasi Soomaalidu waxay tiraahdaa haddii la dhimanaayo dhareerka waa leyska duwaa, saa darteed macallimiinta is dhisid la'aanta qiil ugama dhigan karaan, wax la'aanta iyo lacagta yer ee ah helaan waa haddii ay jirtaba, saa darteed waa inay u muuqdaan kuwa u qalmo iinay barbaariyaan ubadka uu dalka sugaayo inay wax u noqdaan amase wax u qabtaan burrito.

Waxaa runtii sharaf darro ah , inuu macallimka ku yimaado dugsiga nacwis(maro, hoos gunti), taasi oo ah tii uu xaley ku hurdey, amase soo qaato mid cusub, waxaa loo baahanyahay macallin kastaa ee dugsi dhigaayo inuu surwaal iyo shaar andiif ah ku yimaado dugsiga, kuna soo horjoogsado ardeydiisa, kii aan intaasi yeeli Karin waxuu ku habboonyahay inuusan soo horjoogsan kuwa uu dhisaayo mustaqbalkooda.

Waxaa kale oo ka muuqdo macallimiinta inay yihiin kuwa aan sedan kabo, amase sito dacas, taasina waxay ka mid tahay is habeen la'aanta ka muuqato macallimiinta sharfta leh , ee ah kuwa isu soo xilqaamey inay jiilala soo saaraan, taasi waa laga fiicanyahay, mana ku habboona inuu macallinka dacas lasoo horjoogsado ardeyda si ay heybaddiisa iyo ku deyashada ardeyda ay u noqoto mid u qalanto macallin walbo.

Qoraalka intiisa kale la socodo
Guddoomiyaha Maamulka BBB
Xasan Sheekh Cismaan
Gasba278@hotmail.com
g_bbb62@hotmail.com

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005