Sidaan qoraalkeenna hore kusoo xusney waxaan isku deyayaa inaan qodobadaan dib u raaco, kaasi oo aan u kala saarey ilaa iyo 4 qodob.
2- Tirada ardeyda. 850 ardey
Tirade ardeyda ayaa waxaa la inoogu soo gudbiyey inay gaarayaan ilaa iyo 850 ardey, taasi oo ka dhigan inay yihiin ardey aad u fara badan sida sawirka ka muuqatana , waxaa inooga soo baxaayo inay yihiin ardey ay ka muuqato mustaqbal doon, hase yeeshee , ardeyda tiradaasi leh imisaa macallin ayaa u joogto, wax barashadooda ka qeyb qaato?
Ardeyda tiradaasi leh waxay u baahan yihiin macallimiin tira ahaan gaaraa ilaa iyo 50 macaalin si ay u gaarsiiyaan waxbarasho fiican, taasi oo ah sidii uu xisad walbo macallin kastaa uu wax u baro tiro 15 ardey oo ardey walbo u helo seddax daqiiqo, wax barasho ah, hase yeeshee haddii taasi la waayo waxaa dhicidoonto sida tan.:-
1- Macallin kastaa haddii loo dhiibo 20 ardey waxay noqoneysaa inuu ardey walbo helo 2.25 daqiiqo wax barasho.2 daqiiqo iyo 28 seconds)
2- Macallin kastaa haddii loo dhiibo 25 ardey waxay noqoneysaa inuu ardey walbo helo 1.8 daqiiqo wax barasho.(1 daqiiqo iyo 8 scond)
3- Macallin kastaa haddii loo dhiibo 30 ardey waxay noqoneysaa inuu ardey walbo helo 1.5 daqiiqo wax barasho.(1 daqiiqo iyo 5 second)
4- Macallin kastaa haddii loo dhiibo 35 ardey waxay noqoneysaa inuu ardey walbo helo 1.3 daqiiqo wax barasho.(1 daqiiqo iyo 3 second)
Taasi waxay ka dhiqantahay in ardey walbo uu maalintii oo kaamid ah soo helo ilaa iyo 6-18 daqiiqo inta u dhaxeyso oo wax barasho ah oo keli, marka waxaana la doonayaa inuu dunida kala qeyb galo aqoon wanaagsan, hase yeeshee taasi waxay u baahantahay in laga qaado tillaabo aad u ballaaran sidii dunida ay carruurteenna oola jaan qaadaan.
Waxaa kale oo ka muuqda ardeydaa meesha u timid wax barashada dhar la'aan, waayo malaha dhar tilmaamaayo inay meel u woda saocdaan siiba inay yihiin ardey, ka mid ah xagga dharka wiil iyo gabar hadba sidii loogu tala galo, hase yeeshee hadda waxaa ka muuqdo inay yihiin carruur suuqa laga soo kaxeeyey, lana yiri wxbaa la idin qebinayaaye jaaliye, oo halkaan woda fadhiista si adab leh.
Waxaana loo baahan yahay ardeyda inay ka duwanaadaan kuwa suuqa joogo, taasi oo ah in dharkooda la mideeyo sidii ay carruurta suuq joogga amase kuwa guri joogga ay kaga duwanaadaan, taasi oo ay kusoo jiidanaayaan, waxaana suurta gal ahayn in carrurtaasi loo waayey dhar ay ku midoobi karaan, amase waxaa hubaal ah inaan marna waalidiinta la amrin inay usoo iibiyaan dharka dugsiga u gaarka ah.
Taasi oo qofkii doonaayo inuu carruurtiisa wax baro uu ku dadaalaayo sidii ubadkiisa uu ugu keeni lahaa dharka dugsiga, kii aan tag haayninna waa hubaal inuu guddiga madaxda dugsiga ay usoo heli karaan, waa haddii uu jiro guddi maamul ee dugsiga raacsan, kana kooban odeyda magaalada iyo waalidiinta carruurta dhashey.
Taasi waa tillaabo ka maqan maamulka dugsiga oo laga doonaayo inay horey u qaadaan, isla markaana ay ku dadaalaan inay habeeyaan wax barashada oo aysan dhihin magaaladaan dadkeeda waa ay liitaan, taasi oo loo tusaayo inaysan wax barashada aysan marna ahayn mid sahal lagu helo.