Sidaan qoraalkeenna hore kusoo xusney waxaan isku deyayaa inaan qodobadaan dib u raaco, kaasi oo aan u kala saarey ilaa iyo 4 qodob.
1- Dugsiga inta uu dhanyahay iyo sida uu yahay
Sawirka waxaa ka muuqdo inuu dugsiga yahay mid ka kooban qowlado aan sidaasi u badneyn aana ku filleyn tirade ardeyda lasoo sheegey,, taasi oo ah in loo baahanyahay in dugsiga la billaariyo , dhismahana laga beddelo, loona beddelo dagax sidii uu u noqdo mid u qalmo wax barasho, lagana beddelo dhis iyo xaar, oo xagga caafimaadka laga fiiriyo.
Waxaan kasoo qaadayaa inaan ka mid nahay dowladaha soo koraayo amase ka hooseeyo dowladaha soo koraayo , hase yeeshee jecel inay la jaan qaadaan dunida soo koreyso, haddaba aan isku fiirinno labadaan sawir ee hoosta ku xusan.


Waxaa inoo muuqanaayo aragtida heerka aannu kala mareyno, dhismaha dugsiyada ayaa kala ah mid loo fiiriyey xagga caafimaadka iyo xagga niyad dhisidda ay kala leeyihiin dadweynaha loo dhisey dugsiga iyo kuwa u dhisey heerka ay u kala fekereen.
Waa run dhibaato ayaa ka jirta deegaankeenna, hase yeeshee haddana wax qabadka ayaan ku saleysneyn fiiri dheer waayo waxay ku tala galeen keli laba mid midkood in dugsiga uu yahay meel la kireeyey, pp korada laga fiirsanaayo, amase mid la leeyahay waa dugsi yer oo carruur wax lagu baro keli, intaana ma ahan mid u qalanto waxbarasho mustaqbal lagu dhiso.
Waayo xagga caafimaadka iyo dhisidda niyadda caruurta iyo macallimiinta midna looma fiiran, saa darteed waa meel aan u haysneyn wax barasho , mustaqbal jiilal lagu soo habeeyo.
Aragti yer haddii aan is dhaafsano, bal kasoo qaad, haddii inta magaalada deggan amase inta carruur leh ee doonaaya in carruurtooda wax loo baro, ay woda wadaagaan dhismaha dugsiga, oo qof walbo amase cunug walbo la saaro inuu keeno hal bulukeeti, amase in u dhiganta, oo inta gaari biyoole leh ay keenaan , hal hal barmiil oo biyo ah , meeqaa bulukeeti ayay keeni lahaayeen, ka soo qaad 850 ardey haddii mid walbo uu sannadkii keeno hal bulukeeti, meeqaa qowlad oo dhaqax ah ayaa u dhismi lahaa ?

Waxaan filayaa in ardeydaasi , sannadka koowaad ilaa kan tobanaad ay woda dhisanlahaayeen, jaamacd, taasi oo ah, in jamaame ay manta lahaan lahayd jaamacad sharaf leh, kuna dhisan xoogga iyo maalka reer jamaame, taasi waxay usoo jiidi lahayd inay helaan hay'ado wax barasho iyo macallimiin dunida ooga timaado, ayna ku helaan dhaqaale.
Waa haddii ay isku xilqaamaan, sida haddii inta gaari dameer ee magaalada joogo ay dadka maamulka haaya, amase aragtida ay kasoo go'do ku gaari lahaayeen, in mid walbo todobaadkii hal gaari dameer oo ciid ah ha keeno magaalada , la dhihi lahaa, ayna ku dhaqaaqi lahaayeen , waxaa hubaal ah, in magaalada jidadkeeda oo idil ay manta u sameysanaan lahayd, ayana ka bixi lahaayeen dhiiqada mar walbo ay dhex taagan yihiin, carruurtana waxay ku baran lahaayeen wax woda qabsashada, hase yeeshee manta waxay keli bartaan kala taagni, iyo gacan dadaad wax ka sugid.
Aragtidaani waxaa ay saarantahay inta wax garadka ah, iyo dhallinyerada maanta wax barashada ah, kuwaasi oo sameysankaro dugsi wax barasho oo habeenkii ilaa iyo laba saacadood amase seddax saacadood ah, oo ay ku dhisi karaan mustaqbalkooda, meesha ay shaneemo iyo sheeko ku idleen lahaayeen waqtigooda qaaliga ah.