Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

06/09/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Dugsiga Imaam Shaafici(Q1)

ardeyda gargaar u baahan

Qoraalka iyo sawiirada uu inoo soo gudbiyey wiilkeen Axmed Nuur, aad ayuu oogu mahadsanyahay, taasi oo aan doonaayo inaan qoraallo is daba jog ah aan ka qorto, aniga oo isku deyaayo inaan la hadlo caqliga akhristayaasha kasoo jeedo Soomaaliya guud ahaan,gobolka Jubbada Hoose, iyo gaar ahaan kuwa kasoo jeedo degmada jamaame oo aan u kala saaridoono kuwa ku sugan dhexdeeda iyo kuwa debedda ka joogo meel kastaa ha ku sugnaadaane.

Oogu horreentaba waxaan mahad gaar ah u soo gudbinayaan inta xilka iska saarey waxbarashda carruurta magaalada jamaame, siiba macallimiinta iyo odey dhaqameedka , iyo inta gacanta ka geysato, waxbariida ubadka magaalada iyo deegaanka jamaame.

Waxaan doonayaa inaad ila aragtaan wax barashada heerka ay mareyso amase sida ay u dhaceyso, iyo sida loo baahanyahay, taasi oo aan ola jeedo heerka aan mareyno iyo heerka loo baahanyahay, waxaana isku deyayaa inaan soo qaato dadaallada qaar ee dunida ka jirot xagga dugsiyada iyo xagga dadaalka haddii aan waqti u helo.

Waxaan jeclahay inaan dib u soo nooleeyo dadaallo horey u dhacey hase yeeshee aan noqon mid wax qabad leh, oo aan jeclahay inay hadda noqoto mid wax qabad yeelato, hadduu Ilaah yiraahdo, taasi oo aan ka rajeynaao inay u dhaqaaqaan kuwa daneynaayo gobolka iyo deegaanka, taasi oo dhalidoonto inay garab kaga helaan dunida wax tarka geysto.

Waxaan u doortey bishaan barakeysan inay noqoto mid lagu unko wax tar, ku saleysanto, saqa jaariya in la woda unko, taasi oo nqoondoonto mid adduunyo iyo aakhiro looga faa'iido.

Waxaa kale oo aan ballan qaadayaa in wax qabadka uu noqdo mid muuqaalkiisa aan ma r walbo kusoo gudbinno shabakada jammaame hadduu ilaah yiraaho, ayada oo muuqaalkaasi uu noqondoono mid ay laabta ku raaxeysato, oo uu ruux walbo uu iska dhex arko, siiba kii wax geystey Ilaahay idinkiisa.

Dugsiga Imaam shaaficii

Aan xisaabyer aan sameyno, ka dib markii aan woda indha indheyno sawirrada uu inoo soo gudbiyey waiilkeenna amase walaalkeenna Axmed Nuur Cabdi, annaga oo u kala saareyno:-

1- Dugsiga inta uu dhanyahay iyo sida uu yahay

2- Tirada ardeyda. 850 ardey

3- Tirada Macallimiinta 4 maccaalin

4-Isu dheelli tirnaanta loo baahanyahay

Qoraalka intiisa kale la socodo
Guddoomiyaha Maamulka BBB
Xasan Sheekh Cismaan
Gasba278@hotmail.com
g_bbb62@hotmail.com

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005