Waxaa uu ku yaallaa bartamaha magaalada Jamaame, waxaa wax ka barta in ka badan 850 arday oo isugu jira wiillal iyo gabdho; dugsiga Imaamu Shaafici ee Jamaame waxaa la aasaasay sanaddii 2005, waxaa uu baraa maadooyin ay ka mid yihiin: Quraanka, Carabiga, Tarbiyadda Islaamka iyo Soomaaliga.
Waa mid ka mid ah dugsiyada ugu arday badan, ardayda dhigata dugsiga waxay u badan yihiin agoon oo waalidkood dagaaladii dalka jiray ku waaye iyo kuwo dan yar; ilaa shan (5) macalimiin ayaa si mutadacnimo duruusta u bixisa.

Si kastaba ha ahaatee dugsiga Imaamu Shaafici ma laha cid ama urur uu ku tiirsan yahay, oo wax ka bedesha xaalada aan ku soo arkay oo aad ka arki kartid sawirada lifaaqan.

3/9/2008 ayaan booqday dugsiga si aan u soo indhaindheeyo qaabka ay wax u bartaan ardayda, aad ayaan u jecleystay dadaalka arday ay muujinayeen iyo howlkarnimada macalimiinta.

Markii aad dhex gasho waa dareemeysaa in ardayda tiradooda oo aad u badan iyo meesha aadka u yar uu dhib jiro.
Dugsiga waxaa uu u baahan yahay dayactir oo cid kasta waa u faran tahay sida uu sheegay Macalim Muuse Ganey oo ka mid ah Macalimiinta mutadawiciinta dugsiga, booqashada aan ku tagay dugsiga waxaa aan ku wehliyey gudoomiyaha Golaha Guurtida Degmada Xaaji Maxamuud Cali Hamuunle ayaa isna mar uu ka hadlay baaq u jeediyey dhamaan dadka wanaaga jecel inay kaalmo ka geystaan sidii loo caawin lahaa dugsigan,
Haddaba walaalaha wanaagga jecel waxaan kula talin lahaa nafteyda iyo idinkaba inaan u istaagno wax u qabashada ubadkaas agoonta iyo danyarta isugu jirta weliba inagoo ka faaiideysaneyna fadliga bisha Barakeysan ee Ramadan.
Sida aan hore u soo sheegay ma aha qarash badan haddii si wada jir ah wax loo wada bixiyo. Dabcan baahida hadda ee dugsiga waa:
1- in la balaariyo maadaama ardaydu aad u badan tahay.
2- In wax loo qoondeeyo macalimiinta hadba sida wax loo heli karo.