|
NIN WALBA DURBAANKII TUMAY, EE XAGGEE LAGU CAYAARAYAA, YAANA CAYAARAAYO
Dolwadda federaalka madaxdeeda sare , madaxweyne cabdullaahi Yuusuf, ra'iisulwasaare Nuur Cadde, ra'iisul barlamaan Sheekh Aadan Madoobe, ayaa ninba durbaankiisa uu wotaa, oo uu tumanayaa , ayaga oo ninba kan kale uu ka taxadarsanyahay, haddana ay isku deyayaan inay codkooda mideeyaan, ayaga oo ka baqaaya inuu ka cod dheereeyo , kuwa ay kala tumanayaan xubnaha barlamaanka, iyo mucaaradka , laftooda kala sita durbaanno kala cod ah, meelo kala duwanna ku kala tumanaaya.
Waxaase dhibaatada ay ka taagan tahay intaba waxay u tumayaan dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed, oo la tacaalaa dhigaaya quutul daruuriga yoomiga ah, oo aan leheen dhego ay wax ku maqlaan, saa darteed nasiib darrada ayaa waxay tahay, durbaannayaasha oo la tacaalaaya cod iyo qeyli iyo baryo iyo handidaad, ayaan leheen wax maqlaaya amase u cayaaraaya, inta aan ka ahayn dhegoolayaasha dalka ku nool iyo carruurtaa la dhacsan cododka durbaanka oo aan aqoonin miraha kasoo baxaaya afka qayliyayaasha kala duwan.
Mudanayaalka durbaannada sita ayaan weydiineynaa, bal inaan hubsanno heesaaska ay ku luuqadeynayaan , inay ogyihiin waxa uu yahay amase uu dhalikaro!!
Mudane Madaxweyne, Mudane Ra'iisul wasaare, Mudane Ra'iisul barlamaan,waa adinka heesayee, ma hubtiin, in adinku aad tihiin, kuwa oogu sarreeyo dowladda federaalka? ma hubtiin, inaad leedihiin xildhibaanno mushaahar ku qaato inuu shuruucda dalka u dejiyo, kala saaro waxii leysku qabto?, ma hubtiin inaad leedihiin umad keli idin fiirsaneyso, idinka sugaayo inaad nolol deggan u sameysaan? mise intaa oo idil ma oqoonsanidiin, saa darteed ayaa waxii aad isku qabataan ula aaddaan dalka Ethiopia oo ah kan dhibaatada aad ku jirtaanba ka dambeeyo, mise ilaa hadda waxaad rumeysantihiin, in ethiopia ay tahay meesha nabadda ay idin ka jirto, wydiinta waa ay is daba jogtaa, hase yeeshee aan halkaa idinku reebo waayo qof hadduusan is hubin waa dhibaato sida loo tuso laftiisa iyo jiritaankiisa.
bal aan weydinno , xildhibaannada fadhiya tan iyo intii lasoo dhisey dowladda federaalka, awooddiinna ma waxay noqotey inaad karaasi isu siditaan? ma waxaad noqoteen kuwa hadba durbaanka u tuma kii jeebka wax idin ku shubaayo? ma illowdeen waxa aad usoo dhaarateen inay ahayd in umadda ku kala hagtaan sharci , keentaanna waxii lagu kala dambeen lahaa? ma waxaad gaarteen in xubnaha sare ee dowladda ay isku qabsadaan habel ka qaad iyo ha ka qaadin , inaad dhihi kariweydeen , sharciga sidaa iyo sidaa ayuu dhigayaa, kii ka tillaabsadana aad ku qaaddaan? ka daroo dibi dhal, ma adinkiibaaba u kala jabey hebel ayaa gar leh, iyo hebel ayaa gar leh, oo meeye sharcigii aad afarta sannadood dejineyseen? ma waxay gaartey in adinka oo fadhiya la idinka aado Ethiopia, halkaasina lagasoo amar qaato? miyayasan ku habbooneyn, laba mid midkooda, inaad odeyda guryahooda u woda dirtaan, oo aad woda beddeshaan, amase, adinka aad guryahiinna kala aaddaan oo aad carruurtiinna u xiirataan? miyasan ku habbooneyn, inaadan maqlin handidaad idin kaga timaad xubnaha sare , amase dowladda ethiopia lafteeda oo marba idin tiraahdo , haddaadan sidaa yeelin ciidamadeyda waan idin ka kaxeysanayaa? !!!!
Layaab ma laha , walaakaaga oo damac qaadey, haddaba kuwa mucaaradka isku sheegaayo oo ayagana kala durbaan tumanaaya, ayaann weydiineynaa, kuwa Jebuuti, kuwa Asmara , kuwa dalka gudahiisa, intaba durbaannadiinna aan isku codka ahayn, haddana aad leedihiin , waa isku mid waxaan fileynaa inaadan woda maqlin, haddaba ma idinkaa dhego le' mise waad iska yeelyeeleysiin? haddaba yaad durbaanka u tumeysaan, sow taa dadkii idlaadey, gaajo, dil, dhac kufsi, ma waxaad soo kordhiseen wanaag mise, dhibaato, miyaadan kala darneyn, dhegoolayaasha madaxda dalka isku sheegaayo iyo adinka?!!!
Intiinna durbaannada sitaaye, waxaad tihiin kuwa dalka iyo dadka burburiyey, haddase umadda Soomaaliyeed ha ku dhega hadlina, oo ka daaya oraahda aad isku leedihiin, "Dowladda yaan la burburin, dalka yaan dagaala lagu celin!!" , ma dowladbaa jirta marba midba hadduu durbaankii tumanaaya, sow tii ay ka soo yeertey ku-xeen wasiirka koowaad , inuu horey u yidhi" Annaga iyo walaalaheenna Ethiopianka xuduudka ayaan isku fureynaa, lacagta ayaan mideyneynaa, baasaboorrada ayaan mideyneynaa"!! waa afkii dowladda, haddana afka mucaaradka soo tii uu yiri, "genocide" ayaa ka dhacaayo dalka ayna u geysanayaan ciidamada Ethiopia!!! waa in maxkamad lasoo taago kuwa arrintaa ku dhaqaaqaayo!!
Mucaarad iyo iyo miirrane midna durbaankii ay umadda ku cayaari lahayd meesha kuma haaysaane, durbaannadiina beddela, dalka iyo dadka u keena " rythym" isku dhaca oo ay ku cayaari karaan, ka daayaa, ku sheegidda nin masaajid iyo salaad kasoo baxey inaad disheen, oo aad ku tilmaantaan inuu murtad ahaa? ka daaya nin ashahaadada qiraayo inaad tiraahdaan waa gaal iyo waa bannaanyahay dilkiisa? ka daayaa, madaafiicda aad la dhaceysaan muslin ku jira aqalka ilaahay, iyo mid gurigii carruurtii dhex jiifa, inaad ka dhul geysaan, hoobiyayaal iyo madaafiic...war ka daaya oo ka daaya sida aad ku woddaan dadka iyo dalkaba!!?
waxaanse ku soo koobeynaa oraahdeenna, war baroorta wanka ka weyn, arrintaani way idin ka weyntahaye, aragti dheer u yeeshaa, danta laga leeyahay dalka ka weyn jiritaan umaddaane, bal dib u jalleeca, oo is bada qabta, umaddana daba qabta, oo ha isku derina maamul xumo, iyo abaaro, dil dac, iyo hanjabaad aan salka ku haan jiritaankooda.
mideeyan durbaannada aad kala siditaan, kuna tuma dalka gudahiisa, sharaftiinna waxay ku jirtaa adinkoo dhirta hoosteeda ku heshiiyey, halka aad ka tegi lahaydeen hodheello aadan ab iyo isir u yeelan, dalkiinnana ku oollin, ee bal usoo noqda qurayada hoostood inaad xaaqataan oo aad neefaf geela ku qalataa, kuna heshiisaan sidii dalkaani iyo dadkaani ooggu daneyn laheydeen.
talose adigaa ku nool ayaduse kuguma noola!!!!!!!!!!! tashada!!!!!!!!!!!!!!!!
Durbaanka dalka ku tuma dalkana ha lagu cayaaro, dadkana ha idin cayaaro!!!
Jamaal Maxamed Mursal
jmm278@hotmail.com
Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com
Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho.
Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho.
Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah. qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.
jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com
««« Go Home
|
|
jammaame.com - All rights reserved - © 2005 | |