Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

28/08/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Ciidamada Ethopia ayaa u geystay faraxumeen Agaasimaha waaxda canshuuraha gobolka banaadir Aamina Muse Cade.

Ciidmada Ethopia ee ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka banaadir, ayaa ah kuwo haya talada dalka halka dowladuna tahay mid magac u yaal ah maadaama aaysan awoodin ineey joojiso xadgudubka loo geysto gabdhaha sharafta leh ee Somaaliyeed.

Col. Gebre iyo Yoahanis oo ah labada nin ee haya talada ciidanka Ethopia iyo mida dowalada ayaa lagu ugaa ineey qaateen laaluush xad dhaaf ah iyo canshuuro aad u badan, iyadoo aay soo shaac baxday jiritaanka amuurtaas mudo hore, balse haatan waxey u muuqdaan kuwo doonaya ineey u wareejiyaan eedaha dhanka Soomaalida markii loo eego xadgudubka aay u geysteen Amino Muse Cade.

Aamino Muuse Cade oo ah Agaasimaha waaxda canshuuraha gobolka Banaadir ayaa Mujrim Yoahanis u geystay xadgudub ka dhan ah hablaha, isagoo gurigiisa ku haystay mudo dhowr sacadood ah, halka ciidankii ugu tagay xafiiskeedana aay jirdil iyo tuurtuuryeen kusoo kaxeeyeen markii aay ka biyadiiday ineey u raacdo goobta aay u wadeen oo ah guriga Yoahanis.

Waxaa mas'uuliyad daro ah in rag dowlad sheegta gobdhohooda maamulka u haye sidaa loola dhaqmo, iyadoo shaqsiga falkaa geystana uu yahay askari sideedana lagu ogaa askari inuu amar qaato oo kaliya balse kuwa Ethopia ayaa u muuqda mas'uuliyiin u sareeya sharciga dalka u dagsan.

Arintaan ayaa ah fadeexad laga war dhowrayo waxa aay ka yiraahdaan mas'uuliyiinta ugu sareeya dowlada, inkastoo aan looga baran awood aay wax kaga qabtaan xadgudubka noocaas oo kale iyadoo amuurtaan aay tahay wax laga xumaado.

Dhanka kale Maxamed Dheere ayaa u jeediyey eedeeyen aan abid horay loo arag Mujrim Yoahanis oo uu ku tilmaamay inuu aad u edeb daran yahay dacwad ka dhan ahna uu u gudbiyey maamulka Malez, oo ah mid ka warhaya shaqada aay ciidankiisa qabanayaan aayna tahay mid isaga iyo wakiiladiisa Soomaaliya isku ogyihiin raalina kaga yahay ineey dalka galiyaan foodo kale si loo waayo nidaam iyo sharci ka hirgala dalka.

Xafiiska Warqabadka
Mogadisho, Somalia
ahmed93@hotmail.com

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005