Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

27/08/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Col. Yuusuf " Kismayo waxaa qabsaday dad deegaanka ah oo markii hore laga qabsaday"

Markii aay maleeshiyada Al- Shabaab la wareegtay magaalada Kismayo, ayaa waxaa su'aal laga weeydiiyey madaxweyne Yuusuf oo ku sugan xarunta midowga Africa ee Adis, isagoo halkaa u jooga khilaaf kala dhaxeeyo Ra'isul wasaare Nuur Cade oo aay haatan xulufo yihiin maamulka Malez.

Adisababa ayaa waxaa sidoo kale ku sugan mas'uuliyiin ka wakiil ah dowladaha reer galbeedka, madaxda midowga Africa, kuwa Jaamacada Carabta iyo madaxda urur gaboleedka IGAD.

Jimcihii lasoo ayeey aheyd goortii Al-Shabaab la waregeen gacan ku haynta magaalada dekeda ah ee Kismayo, iyagoo halkaasi ka saaray Maleeshiyo beeleed mudo maamulaysey magaalada.

Wakiilada reer galbeedka ee ku sugan Ethopia oo aay Feeljignaan galisay qabsashadaasi Kismayo, ayaa waxay su'aal kooban ka weydiiyeen Madaxweyne Yuusuf si aay u ogaadaan cida sida rasmiga ah ugu lugta leh dagaalkaas iyo qabsashada, ayaa mudane Yuusuf ku jawaabay, " waxa dagaalamayo waa dadka deegaanka oo aay dhibaato ku hayaan kuwa haatan meesha jooga, iyaga ayaana doonaya ineey dib isu maamulaan ee cid kale maaha".

Mudane yuusuf ayaa intaa ku daray in kuwa lala dagaalamayo yihiin maleeshiyo beeleed aan dowlada ka amar qaadan dhibaato xad dhaaf ahna u geeystay dadka deegaanka oo uu ula jeedo beeshiisa isagoo xaqiray dadkii dhulka u dhashay.

Intaa waxaa xigay in Rooboow Abuu Mansuur oo kasoo galay dhanka buulo gaduud subaxnimadii sabtida ka qudbadeeyo beerta xuriyada oo ah bartamaha magaalada, isagoo aay qarbaha ka joogaan Turki, Ciise Qaasin iyo rag kaloo fara badan oo beesha caalamka ugu eedeesan falal argagixiso iyo ineey ku lug laahayeen safaaradahii la qarxiyey ee Nairobi iyo Daresalam mudo laga joogo tobon sanadood.

Mansuur ayaa u sheegay shacabka kismayo ineeysan jirin cid wax loo geeysanayo dadkuna aay siman yihiin cidii cid kale dhib u geystaana sharciga lagu qaadi doono oo laga abaalmarin doono dhibta aay geesatay, iyadoo hadalkaas uu dhabarjab ku noqday beesha madaxweynaha oo doonaysey ineey cimaamada ku aarato maadaama aay awood u weyday hanashada Kismayo.

Qudbada uu jeediyey Rooboow ayaa noqotay mid beesha caalamka dib u jaleecisa jawaabtii uu madaxweynaha ka siiyey amuurta Kismayo iyo waxa ka jira ee dhabta ah, iyadoo aay u cadaatay in waxa Kismayo qabsaday yihiin Al-Shabaab oo aaysan eheen dad kale ama deegaan midna.

Madaxweyne yuusuf ayaa u muuqda la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan oo ah hadii dan ka gasho uu qeyb ka noqon karo farsamadaan cusub oo ah in cimaamad wax lagu raadiyo, taasoo aay bilaabeen Beesha Aweys waxayna noqotay dhabaha kaliya dadka lagu qaldi karo si loo helo maleeshiyo dagaalanta maadaama aay Soomaalidu ka daashay dagaal sokeeye, balse Kitaabkii ayaa laga dhigtay dhabaha kaliya oo loo mari karo danaha khaaska ah iyo sidii lagu hanan lahaa xukun beeleed iyo mid dowli ah intaba.

Kala soco Jammaame warar xaqiiqda ku saleeysan oo aan cidna u xaglin.

Xafiiska Warqabadka
Adisababa, Ethopia
ahmed93@hotmail.com

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005