Ammaa Bacdi, ma barideen, ma faaidiin, beesha maxay ku baridey?
Beri arkeesidaahee beri aan kuu shegee waa baarin bilowgiisa,
bad qabaa bun dubta, beeshana ka warqaqa,
burdahana aqrista(Qur'aanka),Eebana ku xamdiya,
Ee mabarideen ma faaydiin, belinsamo ma ku bogsateen
Bari iyo waqooyi wey bad qabaa, beelahooda badbaadiyey
Koonfuna waa kadeed, karamadii laga qaad,
Keenee ka warqada, kan kadeedka u kaaba ah,
Oo kaadida ku dhejiyey kumanaanka kun, kaalmo ka dhur sug yiri,
Oo tacab u kalihi ka inkiray, karaamada laga kor qaaday,
Kuligood kaamam ku karantiilay kaarabinna kurka ka saaray,
Kadeedkaas iyo kaadi ku dhejintaas waxaa kaaba ka ah kudlad yar,
Oo saddex kalahaad u kutubi jirey kirli biyo helidii,
Oo hadana kor u kaadiyey kibir iyo islaweyn isku karaameeyey
Kuna faana wuxuu Eebe kitaabkiisa ku xaarimay,
Kna dhigtay Kitaabka Kariimka ah keymo ay ku ganbadaan,
Towxiidkana ku xalaalsaday ku maaleysi madax furasho,
Ismoodayna maan gaabnimadooda in ay ku makansanayaa,
Murtina ka dhigteen waa nala maagay oo madaxbanaani la malafsey,
Maangaabna ku marinn habaabiyaan mas’alo been ah,
murtidoodana ku uruurtay meesha aan ka talin mid kalena ma ogoli,
manrana ma ogolin madax dawlo maamulkeeda
oo Mataban minan iga dhigta oo aan maahirkeeda ku soo macluulay
Macmacaanka aan muudsanno, meeshey rabto ha ka dhacdee,
magac dawlo meesha ka saara oo milkiga xaraanta naga maroorisa
Oo Matabaan ii meel ka foog miri yicib ka qodanin tiri,
Oo Muqdisho, Markacadeey iyo meermeerta Shabeele meel ka foog aan weligey makasanin,
Morayaanta marinhabowsan ee Allow yaa u maan celiya,
Wey is moogeysiinayaa, ama wey moog yihiin marinkii Ajuuran,
Meel foog ha ka raadin, melicso mansabkii meleterigii hore,
Murtibaa waxay tiri" Alla maangaabanaa kii aanan marin meel ayna mudneyn"
"Maashaa Allahu oo marin habowsanaa ruux aan maciinsadin maamulka Alle"
Maan gaabanaa kan macansanayow maal iyo makaan xaraan ku makansaday,
Ogow maalinbey inmaan yaa maali jirey oo Mataban iyo meel ka foog lagu celin,
Murti kooban waxey tahay ruux Mudug ku abtirsada maamul Alle ma maciinsado,
Malafsi xaraan ma u meel deyo, maamul dawlana ma meel mariyo,
Murtada Qur'aankana iyo macaane rasuulkeena ma maciinsadaan,
Maato laynta iyo maalinta beri kama murgoodaan,
Walle waad u laaban todobo dhaan u socod iyo kirli biyo raadintii.
Salaan wacan