Ururka Argigixisada Al-Shabaab oo kaashanaya beelaha Kablalax daarood iyo rag kaloo diin lagu qalday, ayaa beesha sade ka saaray magaalada Kismayo, oo uu dagaal qaraar ku dhex maray sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay aaqirkiina kula wareegay magaalada kismayo, iyadoo aay calaamad su'aal ka taagan tahay inta aay sii joogi karaan maadaama aay magaaladu tahay meel istiraatiji deked leh.
Mudo sadex bari ayeey magaaladu ahayd goob dagaal iyadoo shacabkuna aay guryaha kasoo bixin laga bilaabo arbacadii, goobaha ganacsina aay xirnaayeen taasoo ka dhigan in aay halkaasi ka jirto xaalad qalafsan.
Iska hor imaadkaan hubeesan ayaa sababay dhimasho boqol ka badan iyo dhaawac aan tiro leheen oo u badan dadkii dagaalamaye, iyadoo aay taasi sii dheer tahay barakac xoogan oo lagu qiyaasay ilaa sodomeeyo kun oo shacab ah.
Dagaalkaan ayaa noqday mid aan waligii soo marin lana arag ibid, iyadoo aay sababtuna tahay maleeshiyada beesha sade oo wacad ku martay ineey dhintaan mooyee aan laga saari doonin magalada, halka kooxaha kalena aay aaminsanaayeen ineey Shahiidayaan oo Janadu taal soonka kismayo iyo gobolada Jubooyinka taas ayaana keentay in la isku go'o oo dad badan ku dhumaadaan goobtaas.
Dagaaladaan lagu qabsaday kismayo ayaa daba jooga dagaaladii looga saaray maamulkii Afgaduud, iyadoo aay beesha sade iyo beelaha hartina aay ku hardamayaan cida gacanta ku haynaysa magaalada oo leh deked iyo airport caalami ah, taasoo qeyb ka ah dagaaladan soo noqnoqday oo inta badan u dhaxeeya beelo aan u dhalan gobolka.
Xiriirka ka dhaxeeya beelahaan ka mid noqday ururkan Al-Shabaab iyo Ururka qudhiisa ayaa ah ineey labaduba doonayaan gacan ku haynta magaalada, waa beelaha u itaal waaye ineey beesha sade ka saaraan iyo ururkan Al-Shabaab oo u arkay ineey tahay meel aay si fiican isaga soo abaabuli karaan si aay oola dagaalamaan dowlada KMG iyo ciidamada Ethopia, waana fikirka saxda ah ee ka danbeeya qabsashada kismayo iyo dagaaladan lagu hoobtay.
Ugu danbeyntii waxaa cad in aaysan ku waari karin maadaama aay yihiin dad calaamadeesan oo uu dagaal kale dhaxeeyo dowlado reer galbeed ah, iyadoo aay adag tahay in lagu nabad yeelo heysashada kismayo si aay u helaan taageero caalami ah oo aay umaraan dekeda kismayo, waxayna u muuqataa in waqti gaabaan looga saari doono maadama loo aqoonsan yahay urur Argigixiso ineey yihiin kuna jiraan liiska caalamiga aduunka.