Haddaba waxaan u laabaneynaa so'aalladii is daba joogey ee ku xusnaa qeybta koowaad, taasi oo aan isku deyeeyno halka ay jawaabtooda ku jirto.
Waxaa oogu horreeyey, so'aasha ah, Xamar oo keli maxuu dagaalka ooga socdaa?
Xamar ayaa ah halka ay ku soo hirteen dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan intii wax soo baratey , isla markaana nidaamyadii hore oo ka dhigey wax walbo inay ku xirnaato caasimadda, taasi oo ahayd qaladaadkii aan xalka loo raadin intii ay soo jirtey dowlad.
Saa darteed waxaa Xamar kusoo kulmey intii wax garadka dadlka ahayd, ka dibna waxaa soo tiigsadey intii awood u heshey inay dhar magaalo soo qaataan, taasi oo ka dhigan reer miyigii oo dowladahii hore wax u qaban, amase deegaannadooda la dhisin ayaa magaalada kusoo jiitey, ilaa ay iska yiraahdaan nololba waa inoo hadda, ilaa ay ka gaartey inay yiraahdaan waan xureysanney.
Goorta ay soo baxdey kelmadda ah " waan xureysanney" ayay ahayd in Soomaalida oo idil yiraahdaan, taasi waa qalad, siiba kuwa aqoonta u lahaa ayay ahayd inay u sheegaan reer miyigaasi inay qaldanyihiin, hase yeeshee nasiib darro waxay ka dhacdey inay u sacbiyeen , ilaa ayaga laftooda gaaraan heer aysan gacantooda waxba ku jiraan.
Dagaalkase waxuu oogu socdaa reer miyigii oo la wareegey guryo aysan ab iyo isir u lahaan, una lahaan doonin.
Saa darteed dagaalka dadka woda ayaa ah reer miyigii oo manta gacan ka hela kuwii aqoonta lahaa , ayna isku yihiin woda beelo meel kasoo woda jeedo, mana dhicidoonto inay dib u laabtaan, waayo manta waxay dhedhemiyeen nolol ayasan asal ahaan u lahaan jirin.
Haddii ay Xamar u oggolaadaan inay degto, waxaa dhaceysa in sharciga lala tiigsado, oo ah in ruux walbo ee guri dadaad amase beer dadaad la wareegey in laga qaado, taasina waxay keeneysaa, in xabsiga loo taxaabo amase uu dalka ka baxo, amase loo celiyo miyigii oo asal ahaanu lahaa , taana manta waxuu ka dooranayaa geeri aan geed loogu soo gaban.
Taasi waxay ka dhigantahay inay dantooda ku xirantahay inuu dagaalka socdo, si aysan dowlad iyo nidaam wax lagu maamulo u hagaagin, sidaan horey usoo sheegney, waxaa u muuqdo dhibaatada ay la kulmidoonaan haddii ay dagaalka joogiyaan , saa darteed ma arkaan irrid kale ee aan ka ahayn dagaal joogta, oo laga wodo caasimadda iyo meel kastaa ee ay leeyihiin nabad ayaa kasoo muuuqato.
Haddaba aan usoo dhaadhacno so'aasha u dambeysa ee ah, ilaa goormay wodi doonaan dagaalka , mise dowlad kastaa ee timaad sidaan ayay u wodidoonaan? Maxaase talo u ah umadda Soomaaliyeed?
Sida aan kor kusoo xusney dagaalka kuwa wodo diyaar uma ah inay dagaalka joojiyaan, ilaa dunida ka dhamaato, amase waxay ku wodaan ab ka gaar wiil ku amaan inay ka dhigaan dagaalka ilaa laga gaaro heer Soomaalida ay kasoo qaadaan inay dadkaani yihiin dad u dhashey gobollada koonfureed.
Waxayna gaaridoontaa sida hadda ka muuqato amase soo if baxaayo , in yer ayaa u hartey inay ka mid noqdaan deegaannada koonfureed dad u dhashey , taasi oo ay ka tirmidoonto magacooda iyo maskaxdooda inay ka yimideen gobollada dhexe, waayo ubadkii ay ku dhaleen gobollada koonfureed ayaa manta dagaalka wodo , hase yeeshee haddii ay sidaan ku wodaan , waxaa dhicidoono.
Inay goor dhow soo gashadaan shaar cusub oo ah inay ku doodaan inay ka tirsanyihiin dadka gobollada koonfureed , oo ay u doodaan sidii gobolladaan loo xureen lahaa, ayada oo laga xureendoono kuwa asal ahaan u dhashey, oo manta guryahooda iyo beerahooda la xooogey in ka badan rubuc qarni ku dhowaad.
Taasi oo xaq ay isu siindoonaan, lahaanshaha gobollada koonfureed, hase yeeshee waxay dhibaatada ka dhicidoontaa , kuwa kasoo hayaamey degaannada kasii fog deegaankooda ay kula dagaallamaan inay la wadaagaan.
Haddaba haddii aan arrinta Soomaaliya laga hagaajin soohdinta oo aan gadaal loo raacin, waxaad ogaataan inaysan waxba ka hagaagidoonin, oo arrinteeda ay sida tan usii qalloocanaandoonto.
Waxaan hadalkeyga kusoo koonbayaa arrinta Soomaaliya hagaagiddeeda waxaa ka dhiman soohdinta oo gadaal loo raaco, haddii kalese waxay ahaaneysaa, inay ubadka dalka laga laayo, dalkana ma huridoono gumeysi cusub oo aan la iska dhicindoonin.
Soohdinta gadaal ha loo raaco, halkaasi ha laga soo toosiyo, sidii qallooca looga saaro.