Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

17/08/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Shirar is daba joog ahaa oo ka dhacey magaalada Jeddah.(Qeybta Seddaxaad).

Shirarkii isdaba joogga ahaa , waxaa oogu dambeeyey kii lagu ballamey guriga guddoomiyaha beesha Biimaal Mudane Xaaji Abuukar Ibraahin "Qaroofow",15/8/2008, halkaasi oo ay kasoo qeyb dhammaan xubnaha labada Maamul, ( odey dhaqameedka iyo guddiga maamulka BBB).

Shirkaani ayaa lagu furey quraanka kariimka ah, kadibna halkaasi waxaa shirka furey guddoomiyaha maamulka oo kusoo owda dhoweeyey dhamaan intii kasoo qeyb gashey shirkaasi, waxaana wararka lagu wareejiyey odey dhaqameedka .

Shirkaani oo oo markiisa horey u dhacey si habsami ah, oo si fiidan leysku af gartey xagga dastuurka , oo ahaa qodobka kowaad ee laga doodaayey a, ayaa waxaa soo raacey qodobka labaad eek u saabsanaa dhaqaalaha.

Waxaa dhaqaalaha furey oo bixinta oogu horreeyey Suldaan Maxamed Cabdulqaadir Muuddey, Suldaan Cabdalla Oontirow , Ugaas Cabdullaahi Xaaji Dhaayow, Ugaas Cali Cabdulqaadir,Duq Abuukar Ibraahin Faraj , Duq Cumar Maxamed Cali iyo Guddoomiye Xasan Sheekh Cismaan ka dibna xubnaha oo idil iyo kasoo qeyb galayaasha fadhiga.

Qodobka dhaqaalaha ayaa noqdey mid si fiican loo meel mariyo ka dib markii ay isla fadhiga inta joogtey ay halkaasi ku bixiyeen qofkiiba boqol SR. kaasi oo lagu magacaabey khaznad furid oo ay oogu tala galeen laba maamul inay ayaga billaabaan, ka dibna halkaasi laga wodo hawsha tolka.

Ka dib markii halkaasi laga heley lacag aad u fara badan ayaa waxaa, shir guddoonka laga codsadey inaan shirka la soo gabagabeynin, oo halkaasi leysku dhaafsado arrimaha siyaasadda heerka ay manta mareyso, iyo waxa beesha saran.

Fadhiga ayaa leysku raacey intiisa dhiman inay ahaato mid siyaasadeed oo lagag doodaayo arrimha ka taagan dalka guud ahaan, iyo gaar ahaan waxa ka taagan gobollada ay degaantahay beesha.

Halkaasi waxaa si gaar ah loo weydiiyey inuu guddoomiyaha maamulka uu ka hadlo, waxuu ku dheeraadey heerka ay siyaasadda mareyso guud ahaan, iyo gaar ahaan marxaladda soo socoto, iyo waxa loo baahanyahay.

Ka dib waxaa qaatey guddoomiyaha beesha Xaaji Abuukar oo sii aad ah oogu dheeraadey arrimaha ka taagan gobolka iyo siyaasadda kusoo wajahan , iyo waxa laga doonaayo in laga sameeyo gobolka isla markaana waxii habboon in arrimaha soo socodo laga yeeli lahaa.

Ka dib halkaasi waxaa kasoo muuqatey in la taabtey booqg horey u bugtey , saa darteed waxaa ka woda Hadley inta badan sida Cabdullaahi MAclin Xasan iyo Maxamed cali Ciilley, oo aad oogu dheeraadey arrimaha loo baahanyahay, gaar ahaan wadciga manta taagan sidii laga yeeli lahaa, iyo sidii gobolka loo xureyn lahaa, loogaana saari lahaa dhibaatada ka taagan.

Waxaa kale oo halkaasi si gaar ah loogu falanqeeyey dhibaatooyinka ka dhacey , siiba dhaqaalaha faraha badan ee meel cidla beesha meel kastoo ay joogto ooga baxey, iyo sidii taasi oo kale aysan mark kale u dhicin.

Ka dib markii uu qof walbo halkaasi aragtidiisa ka dhiibtey oo ku saleysan sidii gobollada deegaanka beesha gaar ahaan , tixgelinta gaarka ah ee ay mudanyihiin beelaha gobollada beesha la dego, ayaa waxaa loo daayey inuu soo gunaanudo guddoomiyaha guddiga maamulka BBB.

Guddoomiyaha ayaa warka kusoo koobey , waxaa warkeyga u jeedinayaa qurba joogga beesha ayuu yir" inay ka waantoobaan dhibaatada ay isu soo jiidaan, eek u saleysan caadhifad, aan marna wax tar ahayn, ee ah lacagaha ay diraan , una dirtaan qaar damiir laaweyaal ah, oo aan garan dantooda wax dhaafsan , kuna shaqeysta been aan raad lahayn".

Waxuu yiri guddoomiyaha" waxii manta ka dambeeyo beeshaani ma noqondoonto maamul la'aan ., isla markaana aragtida qurba joogga beesha ee diyaar u ah inay wax u qabtaan gobolladooda , waxaan ka codsanayaa inay taageero buuxda soo siiyaan maamulkaan laga unkey magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga".

Waxuu guddoomiya intaasi ku darey waxaa ballan inaga ah, in waxii dahqaale ee lumey, aan loo shallaaynidoonin., waayo waxii manta ka dambeeyo waxay ahaandoontaa in lagu xisaabtamo , wax wabad cadna beesha meel kastaa ee joogto in la tusidoono wax ay ku faanto, sharafna u noqdo inta gobolka degto oo idil, ee aysan ku koobnaan beesha oo keli".

Waxuu intaa raaciyey guddoomiyaha," dhaqaalo kastaa ee maamulka soo galo , waxa lagu qabandoono ayaa waxaa u horreeyo wax qabad ay dadka ku riyaaqaan, marna ma nqondoonto mid loo shallaayo, waxaana hubaa, beeshaani waxa kala dhantaaley inay tahay maamul xumo soo haaysey waqtiyo badan."

Oogu dambeentii waxuu raaciyey in maamulka uu furi doono meel dhaqaalaha beesha lagu aruuriyo, sekada iyo sadaqada iyo wax qabad , qofkii wax baxsanaayo in loo geliyo meesha uu ajar ka helaayo adduunyo iyo aakhiro, isla markaana u ku faani karo, oo aan laga yaabiin in lagu bixiyo meel kastaa ee uu leeyahay kuma habboona in lagu bixiyo.

Maamulkana waxuu arrintaasi ka diyaariyey hab maamul iyo guddi u gaar ah sidii loo xisaabin lahaa, loona maamuli lhaa, ayada oo la woda ogyahayna wax lagu qabandoono, ilaahay idinkiisa.

Shirkaasi ayaa lagu soo xirey in la qabto dhowr fadhi inta aan la gaarin bisha barakeysan, ayada xubnaha maamulka ay howshooda si xowli leh ay u wotaan.

Qeybtii seddaxaax -dhammaad

kala soo xariir
guddiga maamulka BBB
g_bbb62@hotmail.com

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005