Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

17/08/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Shirar is daba joog ahaa oo ka dhacey magaalada Jeddah.(Qeybta labaad).

Shirkii dhacey jimcihii 8/8/2008 ayaa maamulka uu ku falanqeeyey shirka xigey oo ahaa kii dhacey Axadii 10/08/2008, kaasi oo lagu meel mariyey codsigii ka soo yeerey odey dhaqameedka beesha Biimaal ee Jeddah.

Shirkaa ayaa waxaa lagu doortey shantii xubnood ee guddiga sare ee maamulka waxaana loo doortey inay noiqdaan kuwa u dhaxeeya maamulka oo ka kooba 15 xubnood iyo odey dhaqameedka oo ay u sarreeyaan Suldaan, Ugaas, Fiqe, guddoomiyaha beesha Jeddah Xaaji Abuukar Ibraahin Faraj"Qaoofow" iyo ku xigeenkiisa Xaaji Cumar Maxamed Cali "Cumar Moordi".

Waxaana fahdigaani uu guddiga maamulka BBB uu ku doortey shantii xubnood , loogu tala galey inay la kulmaan maamulka sare ee beesha ee ka kooban odey dhaqameedka, si aysan arrintu u ahaato mid go'aannadeeda u dhanyihiin maamullada beesha oo idil. Xubnaha uu guddiga iska soo xuley oo ah, xubnaha ay isku afgarteen dhammaan , ayaga oo matilaaya aragtida guddiga mar walbo, inkastoo xunaha laga tegey ay ayaga u qaabilsanyihiin meelo kale oo muhiim ah beesha ayaa waxaa la go'aamiyey inay noqdaan kuwa hoosta ku xusan.

1- Guddoomiyaha guddiga Maamulka BBB: Mudane Xasan Sheekh Cismaan"gasba".

2- Guddoomiye ku xigeenka Maamulka BBB: Mudane Xasan Yuusuf Muuddey.

3-Guddoomiyaha Xoghaynta Maamulka BBB: Mudane Cabdurazaaq Cismaan Nuur.

4- Guddomiyaha Xisaabiyaha Maamulka BBB : Mudane Saciid Muuse Ibraahin.

5- Ku Xigeenka G. Xisaabiyaha Maamulka BBB : Mudane Muuse Cabdullaahi.

Shantaa xubnood ayaa loo xilsaarey hoggaanka sare ay kusoo aruurto maamulka iyo wax qabadka ayaga oo la kaashandoono maamulka intiisa kale, isla markaana u dhaxeendoono , labada maamul ee ay beesha Biimaal isku raacdey inay dhisato, oo kala ah Maamulka odeyda iyo Maamulka BBB.

Waxaa kale oo shirkaani lagu go'aamiyey in odeyda lala shiro jimcaha 15/8/2008, ayada oo la fadhiisandoono aqalka Guddoomiyaha beesha xaaji Abuukar Ibraahin Faraj" Qaroofo", ayada oo halkaasi ay ku woda kulmi doonaan guddiga oo kaamil ah iyo maamulka sare ee beesha (odey dhaqameedka) reer Jeddah.

Qeybta labaad.

kala soo xariir
guddiga maamulka BBB
g_bbb62@hotmail.com

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005