Ka dib markii al asaasey guddiga maamulka BBB ee magaalada jeddahm waxaa loo xil saarey sidii uu usoo dejin lahaa hab maamul, ku saleysan sidii loo mideen lahaa xoogagga beesha Biimaal meel kastaa ee ay ka joogaan dunida .
Waxaa guddiiga BBB si joogta ah u shiraayey laga soo billaabo 2/5/2008, asaga oo shirarkaasi ku dejinaayey hab lagu maami karo ayna isku maamuli karto meel kastaa ee ay dunida ka joogto.
In loo dejiyo dastuur ku saleysan hiddaha iyo dhaqanka beesha Biimaal ee soo jiraanka ahaa, kaasi oo tixgelinta ya xubnaheeda dhaqanka , loo tixgelinaayo mudnaanta ay beesha ku leeyihiin.
Taasi oo si gaar ah loo tixgelinaayo, Suldaan, Ugaas, Islaawe,Faqe, Milaaq, Garaad, iyo odey dhaqameed, iyo culumaa'uddinka, oo mid walbo si gaar ah loo siinaayo mudnaantiisa, taasi oo loo celinaayo beeshaani hiddaheedii ab iyo isir u leheed.
Guddiga maamulka oo horey usoo jeediyey dhibco qaar ay ka mid tahay sidii loo habeen lahaa, beeshaani oo ay ka mid tahay sidii loo tiro koobi lahaa beesha inteeda debed joogga ah , oo isla markaana meelo fara badan arrintaasi looga dhego taagaayo, ayaa waxaa arrintaasi loo gudbiyey odey dhaqameedka beesha Jeddah.
Dastuurkii lagu maamuli lahaa beesha Biimaal oo si hufan loo soo diyaariyey ayaa waxaa loo gudiyey odey dhaqameedka beesha, taasi oo lagu soo bandhigey fadhi ka dhacey aqalka Guddoomiye ku xigeenka odeyda mudane : Xaaji Cumar Moordi.
Fadhigaasi ayaa waxaa furey guddoomiyaha maamulka BBB, oo halkaa ka sheegey waxii laga soo marey soo habeenta dastuurka, isla markaana ku mahad celiyey, sida kalsoonida leh ee loogu xil saarey guddoominat maamulka.
Kadib ahalkaasi waxaa dastuurka ka akhriyey Af-hayeenka beesha oo si tafatirn oo hufan u akhriyey, kaasi oo ka kooban qodobo aad u fara adan wotana lifaaqyo iyo faraqyo.
Dastuurka ayaa loo qeybiyey odeydii fadhigaa kasoo qeyb galey , isla markaana fadhigaa waxaa lagu gaarey in dastuurka lasoo badiyo qoraalladiisa , loona gudbiyo odeyda intooda kale.
Waxaa kale oo fadhigaa lagu gaarey in guddiga maamulka BBB ay iska soo xulaan shan xubnood oo uu ka mid yahay guddoomiyaha guddiga oo mar walba la kulma odey dhaqammeedka.
Waxaa xigey fadhigii ka dhacey aqalka ku xigeenka xisaabiyaha mudane Muuse cabdullaahi , oo lagu dhisey shantii xubnood ee ka tirsanaa maamulka sare ee guddiga BBB, xubnahaasi oo u xilsaaran u kala deb qaadidda odey dhaqameedka iyo maamulka.
Qeybtii koowaad.