Dagaalkaan bilowday qadar daqiiqado ka hor, ayaa u dhaxeeya ciimado daacad u ah Daahir Aweys iyo ciidankii cusbaa ee dhowaan lagu soo tababaray dalka Ethopia, kuwoodii baaqiga ku ahaa gobolka Bay.
Sida wararku nagu soo gaarayaan dagaalkaan ayaa ah mid la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo uu ka bilowday meel Afgooye u jirta dhowr killo mitir haatana la iskala soo gudbay gabi ahaanba magaalada Afgooye, taasoo ka dhigan in laga awood roonaaday muqaamadii mudada katalin jirtay aagaas.
Dhanka kale waxaa la filayaa in dagaal kala ka qarxo meelo fara badan oo ka mid ah gobolka Sh/hoose sida Wanlaweyn, Baraawe iyo Qoryoolleey intaba, taasoo micnaheedu yahay in dowlada iyo shacabka gobolkaba aay go,aan ku wada gaareen sifeynta ukumihii Mr Aweys iyo C/qaasinba.
Ciidanka kusoo duulaan tagay muqawamada Sh/hoose, ayaa lagu qiyaasay ilaa sadex guuto, iyadoo uu intaa ka badan karo sababtoo ah waa tiro dhaafeen waxaana aay ku hubeysan yihiin qalab miletari oo ka duwan kuwii ka horeeyey ee guuto 9aad.
Dagaalkaan ayaa ah mid baryahanba la sugayey maadaama ciidankii loosoo tababaray gobolka Sh/hoose baaqi looga dhigay inuu kusii sugnaado magaalada Baydhabo, inta looga diyaarinayo saadkii aay ku howlgali lahaayeen taasoo sida muuqata haatan loosoo dhameystiray.
Lama garanayo qasaaraha uu gaystay dagaalka balse waxaa muuqata in si aada loogu dagaalamay banaanka dibada ka ah magaalada Afgooye taasoo laga dheehan karo qasaaro dhimasho iyo mid dhaawac intaba.
Sawaxanka madaafiicda ayaa laga maqlayey magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, waxaana muuqata ineey gacanta sare leeyihiin ciidanka dowlada maadama aay yihiin kuwii gobolka u dhashey loona soo tababaray sidii aay u difaacan laahaayeen deeganada aay kasoo jeedaan.
Nasiib wanaag waxaa nagu adkaatay inaan helno saraakiishii dowlada ee hogaaminaysey dagaalka, iyagoo dansadey talefonada iyo guud ahaan wixii isgaarsiin oo aay wateen, taasoo lagu macneen karo dareen aay ka qabaan qaar ka mid shirkadaha Muqdisho oo baryahanba lagu sheegay ineey wararka dhaxda u fadhiyaan si aay ugu tabiyaan kooxaha mucaarabka ee hoostaga ninka argigixisada ugu weyn ee gabaadka ka helay jasiirada Casmara.