Ugu yaraan 10-Wasiir ee ka tirsan xukuumadda Nuur Cadde ayaa maanta xilkooda iska casiley,ka dib markii ay Nuur Cadde ku eedeeyeen inuu ku tagri faley awoodda Golaha Wasiirada,asagoo si iskiisa shaqada uga ereyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere.
Xubnahan ayaa sheegey inuu Wasiirka koowaad ku tagri faley awoodda Golaha Wasiirada,ka dibna waxay sheegeen inay go’aankan qaateen,Wasiiradan ayaa 4-ka mid ah waxay iscasilaadooda ku soo gudbiyeen Email,sida ay saxaafadda u sheegtey Wasiiradda Haweenka iyo qoyska Khadiijo Maxamed Diiriye,sidoo kale wasiiradan ayaa iska fogeeyey maamul xumida lagu sammeeyey dakhliga dowlladda Waxaana Wasiirada iscasiley magacyadoodu kala yihiin:
1-Ceydiid C/llaahi Ilka Xanaf-Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha ahna Ra’iisulwasaare ku xigeen,ahana sii hayaha Wasaaradda Caafimaadka
2-Prof.Saalim Caliyoow Ibroow-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ahna Ra’iisulwasaare ku xigeen,ahna sii hayaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bushada.
3-Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye-Wasiirka Horumarinta Qoyska ahna siihayaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Kalluumeysiga iyo Bi’ada.
4-Muxyaddiin Maxamed Xaaji –Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga.
5-Maxamuud Cai Saalax kaanje-Wasiirka Macadanta iyo Tamarta.
6-Cali Jaamac Jangali-Wasiirka Arrimaha Dibadda,Email ahaan u soo gudbiyey.
7-Cabdi Maxamed Tarrax-Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta-Email isku casiley.
8-C/risaaq Ashkir Cabdi-Wasiirka Gobollada,dib u heshiisiinta iyo Dastuurka,Eamil isku casiley.
9-Xuseen Ceelaabe Faahiye-Wasiirka Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska.
10-Carab Cali Diiriye-Wasiir ku xigeenka Dib-u heshiisiinta,horumarinta Gobollada,iyo Dastuurka iyo Federaalka.
Iscasilaadda Golaha Wasiirada ayaa ka dhalatey khilaafka soo kala dhaxgaley Wasiirka koowaad iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed,kaas oo ka dhashey xil ka qaadista lagu sameeyey Guddoomiyaha Gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho,Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere”.
Sidoo kale arrintan ayaa ku soo beegantey xilli mudaneyaasha Baarlamaanka ay ka soo baxayaan baaqyo loo dirayo dowladda uu madaxda ka yahay Nuur Cadde inay iscasisho,ka dib markii ay la soo gudboonaatey fadeexad maaliyadeed.