Wareegto kasoo baxdey xafiiska ra'iisul wasaare Nuur Cadde ayaa lagu sheegey in xilka guddoomiyenimada iyo duqa magaalada moqdisho laga qaadey Maxamed Cumar Xabeed(Maxamed Dheere).
Wareegtadaasi uu soo saarey Ra'iisuklwasaaraha ayaa la soo hordhigey golaha wasiirada , dooda badan ka dib ayay anxixyeen, hase yeeshee dhanka Maxamed dheere ayaa arrintaasi ku tilmaamey inuu u hoggaansamaayo, ka dib markii uu Madaxweynaha go'aan ka gaaro.
Waxuuna caddeeyey inuu diyaar u yahay inuu xilka ku wareejiyo ninka walaalkii ah ee ay dowladda soo siiso waraaqdii la wareegidda xilka, sida asagaba uu kala wareegey dhiggiisii hore.
Sida lagu sheegey wareegtada xilka looga qaadey Maxamed Dheere, waxay ka dambeysey markii uu u hoggansamiwaayey awaamiirta dowladda iyo asaga oo sugi waayey amaanka muqadisho oo gaarey heer fara ka bax, ay u dheertahay xubnahii maamulkiisa oo kala jabey oo uu isku keeni waayey.
Waxaa kale lagu sheegay in dacwad iyo eedeyn ay ka soo gudbiyeen waxgaradka gobolka Banaadir xili ay faraha ka sii baxayaan amaanka magaalada oo uu ku guul dareystay wax ka qabashada amaanka iyo u hoggaansanaanta awaamiirta Dowladda sida lagu soo qoray wareegto uu maanta aqriyay Cabdi Xaaji Goob-Doon afhayeenka Dowladda.
Maxamed dheere oo ahaa ninkii soo dejiyey dowladda magaalada Jwhar, hase yeeshee oogu dambeentii dowladda ay kaga wareegtey dhanka Baydhoba, ka dib markii uu hadal qallafsan war baahinta ooga sheegey madaxweynaha.
Taasi waxaa ka dambeysey inuu ka mid noqdey kooxdii la dagaallanka argagixisida isku bahaysey ee ay maxaakiimta kaga adkaadey dagaalkii muqdisho, asaga oo ku maqan Ethiopia ,ka dibna waxuu kusoo laabtey asaga o saaran tangiyada ciidamada Ethiopia.
ka dib wareegto uu soo saarey ra'iisulwasaarahii hore Dr. Cali Maxemd Geeddi, ayaa xilka loogu dhiibey, ka dib markii uu soo saxiisey madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, hase yeeshee waxaa lagu eedeynayaa inuu sameystey ciidan u gaar ah oo ka hawl galo gobolka Banaadir, oo usoo jiidey eedeemo fara badan.
Waxaase la sugayaa inuu u hoggansamo awaamiirta dowladda federaalka uu muujineysa inay soo rogeyso kala dambeen iyo amaan, marxaladda uu dalka maraayo oo ah mid aad u adag, lana doonaayo in l;a meel mariyo heshiisyada dowladda iyo mucaaradka lagu gaarey Jebuuti.