Maalmahaani waxaa soo kordhey , o aan idaacadaha ka maqallaa, amase warfaafinta ku aragnaa, dhaqdhaqaaq ka socodo gobolka shabeellada Hoose, oo ka soo horjeedo dhaqdhaqaaqa dowladda federaalka.
Waxaa la is weydiinayaa , guddoomiye DR. Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur, halka uu qabtey, inkastoo ku xigeenkiisa uu sheegaayo inuu fasax ku aadey Moqdisho, hase yeeshee warar ayaa sheegaaya, inuu guddoomiyaha lagala wareegey maamulka, ka dib markii uu Jaamac Bolow uu sheegey la wareegidda Maamulka.
Hase yeeshee arrintaasi waxaa beeniyey , ka dib markii ay isku dhaceen ninka maamulkaasi ka ah ku xigeen dhinaca amaanka, kaasi oo markiisii horeyba ahaa ninka nabadgelyada gacanta ku haayey.
Maxamed Maxamuud Cilmi "Maxamed Carab " ayaa maalmahaan dhaqdhaqaaq xoog leh ka woda gobolka sh. Hoose, kaasi oo heshiisyo la galey maamulka gobolka Banaadir, isla markaana shirar is daba jog ah ka woda gobolka dhexdiisa, asaga oo taageero ka helaaya Nuuriye Cali Faarax iyo Cali geney.
Waxay maalmahaan u ololeynayaan sidii ay ooga reebi lahaayeen ciidamada dowladda federaalka aysan ku imaan lahayn gobolka , ayaga oo qiil ka dhigaayo inay nabadgelyada gobolka xumeynayaan, waayo ayay leeyihiin amaanka gobolka aad ayay u sugeen.
Waxaa la yaab leh raggaani oo marba af kala duwan ku hadla, marna ay leeyihiin in gobolka lasoo gaaro, amase dowladda federaalka inay garab ka waayeen, meesha ay dhanka kale ka leeyihiin, nabadgelyo darrin ayay ka dhalinayaan, haddii ay ciidamada dowladda la keeno gobolka.
Halka ay xildhibaanno ka mid ah, kuwa u dhashey gobolka ay leeyihiin waa in ciidamada dowladda la geeyo goblka sidii nabadgelya la'aanta ka jirta loo soo celiyo, taasi oo haddii aysan dhicin noqondoonto in ciidamada dowladda loo rogo ciidan beeleed, taasi oo burburindoonto dowladda federaalka.
Waxaase wararku sheegayaan , goblkaani waxaa ku amar taagleeyo xubno kasoo jeedo beelo kale inkastoo ay ku shaqeystaan kuwa calooshood la caayaar ah, haddana waxay ciidamada dowladda u diidayaan, arrimaha soo socdo awgeed:-
1- Ciidamo mooryaan beeleed ah oo aan gobolka u dhalan inay ku suganyihiin.
2- Ciidamo taabacsan al-shabaab iyo maxaakiimta ay ku suganyihiin gobolka.
3- Ilaalinta dadka lagu abuurey deegaanka Buushashka oo la doonaayo inay dhaxal ahaan u yeesheen deegaankaa, siiba no.60 ilaa iyo Baraawe.
5- Brralaha la boobey oo la doonaayo in la dhaxal geliyo.
6- Beeraha maandooriyaha lagu beero oo la amaan geliyo.
Iyo arrimo yeryer oo kale sida ceelasha iyo deegaannada cusub ee ay halkaasi ka unkayaan reer galgaduud.
7- Afduubka iyo dilka ka dhaco gobolka sh.hoose oo la doonaayo in lagu qariyo ceeshasha iyo Buushashka.
8- Dikadaha dabiiciga ah ee ay ka dhoofiyaan dheefta dalka dugaagta duurjoogtada iyo dhuxusha, kanasoo dejiyaan hubka lagu weeraro Caasimadda dalka.
Oogu dambeentii dowladda federaalka lama filaayo inay gobolkaani wax ka qabato, waayo tii Carte, Mooryaantii , Maxaakiimtii , intasba waxba kama aysan qaban, haddase oo Generaal Gabre uu dhaafta gobolka wax kala wadaago, lagama yaabo in wax loo qabto gobolka.
Taasi waxay xaq u siineysaa, mooryaanta manta gacanta ku haaya inay dowladda u diidaan imaatinka goblka, waxaase dadka u dhashey gobolka ayay saarantahay inay sida raalli kaga noqdaan, amase ay ka dhiidhiyaan, siiba dhallinyerada iyo indheer garadka, aanan ahayn mooryaanta tuugada ku nool iyo calooshood u shaqeystayaasha.
Mudane Cali Geney iyo Mudane Maxamed Maxamuud Cilmi gar ayay u yeeshee inay guddomiye DR. C/qaadir ay maamulka kala wereegaan , inkastoo markiisii horeyba uu ahaa maqaar saar.
Maamulka gobolka shabeelalda hoose waxaa xaq u leh ninkii ku xoog badiya, udhashaha iyo ku dhashaha, waxaan sugnaana waa ku dhashaha inuu ka xoog badiyo u dhashaha gobolka shabeellada hoose.