Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

26/07/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Dhibaatada ka taagan gobolka Banaadir iyo gobolka sh.hoose

Magaalada Moqdisho waxaa ka taagan dhibaato ballaaran oo ay ka dambeeyaan kooxo kasoo horjeedo iyo kuwa aan ka dan lahayn nabad gelyada dadweynaha Soomaaliyeed .

Maalmahaan oo idil waxaay wararku sheegayeen in la doonaayo in la kordhiyo dhibaatada ka taagan xamar, ka dib markii ay dowladdu ay soo gaareen ciidamo fara badan oo lagu soo tababarey dalka Ethiopia.

Hase yeeshee warkaasi war ka duwan ayaa kasoo baxaayey dhanka magaalada Baydhoba , oo ah saldhigga dowladda federaalka, kaasi oo sheegaayey , in ciidamadaani aan la geen doonin Moqdisho.

Taasi oo lagala gol lahaa in la kala badbaadiyo inay isku dhacaan ciidamada Soomaaliyeed iyo dadweynaha Soomaaliyeed, taasi oo loo bandhigey sidaan wararka ku heleyney iyo in arrintaasi ay isku raaceen xildhibaannada joogo baydhoba fadhigoodii dambe.

Isla markaana in ciidamadaasi la geeyo gobolka Sh.Hoose, iyo meelo kale oo ka fog dhibaatada ka taagan caasimadda, hase yeeshee waxaa dhacdey in ciidamadaasi ay weerar ku qaadeen kooxdii ka soo horjeedey dowladda , goor ay maraayeen Wanla weyn.

Ka dibna waxaa dhacey in ay isku dhacaan ciidamadaasi iyo kuwii gacanta ku haayey gobolka shabeellada hoose , halkaasi oo ay ku dhinteen laba ka tirsan ciidamadii gobolka Sh.hoose, weliba halkaasi ay ka soo carareen ciidamadii gobolka .

Taasi waxay dhalisey in ay habeen hore halkaasi kasoo baxsadey Cali Geney oo aha ninka ku amar taagleeyo gobolka sh.Hoose, uu baxsad kusoo maro dhanka xeebta, halkaasi oo uu sii degdeg ah usoo galo Magaalada Moqdisho.

Si uu xariir degdeg ah kula sameeyo general Gabre, oo ah ninka la qeybsado canshuuraadka laga soo aruuriyo gobolka, isla markaana kasoo kaxeeyo ciidamada dowladda magaalada Afgooye, si ay u suurta gasho soo aruurinta canshuuraadka baadka ah.

Isla markiiba jeneraal Gabre oo aan dowladda amar ka qaadan ayaa waxuu amar ku bixiyey in ciidaanka dowladda lasoo dhaafiyo Afgooye, si ay ooga qeyb galaan dagaallada ka taagan Moqdisho, taasi oo lagu jebiyey amarkii iyo go;aankii Xildhibaannada.

Waxaase weliba u dheer ayada oo general Gabre, ku dhaqmey ku xadgudub uu xildhibaannada ku sameeyey, iyo asaga oo doonaayo inay isku dhac ka dhecdhaco ciidan Soomaali iyo daweyne Soomaali ah, taasi oo uu ugu daneymaayo saaxiibkii Cali Geney, iyo jeebkiisa.

Laguna baabi'inaayo danaha umadda Soomaaliyeed,dowladda, dastuurka, iyo kala dambeen la'aan inuu dalkaani ku sugnaado, taasi oo ay u horseedayaan qaar damiir laaweyaal sida Cali Geney iyo Jeneraal Gabre oo ah Mooryaan dalka Ethiopia laga soo nacey, lana doonaayo iinuusan ku noqon , kuna dhinto dalka debeddiisa, hase yeeshee ku mamey dulmiga iyo dusduska uu ka dhex dhigo dowladda iyo umadda Soomaaliyeed.

Waxaasne Caddeyneynaa in Moqdisho amaankeeda uu keli ku sugnaankaro ayada oo gobollada ku hareereysan laga sugu nabadda, haddiise taasi la waayo sidaan waxay noqondoontaa mid sida tan u taagnaato.

Waa in nabadgelyada labada shabeelle si gaar ah loo sugo sidii loo haleo caasimada nabadeeysan, dowladdana waa inay tillabo ka qaaddaa mooryaantu ku dhexnool amase soo hareera duminaayo, sida ay salka ooga degto.

Jamaal Maxamed Mursal
jmm278@hotmail.com


Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005