Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

25/07/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Barak Obama oo ka hadley arrinta Soomaaliya

Barak Obama oo ah ninka madow ee u sharraxan madaxtinimada dalka mareekanka, ayaa maalmahaani socdaal u galey dalalka Asia iyo Yurub, asaga oo ku raad taagan meelahii uu soo marey diggiisa musharraxa xisbiga jamhuuriga Mccain.

Waxuu socdaal kusoo marey dalalka Afghaanistaan, iyo Ciraaq iyo dalka Isra'iil, kuwaasi oo ah dalalka sida gaarka ah ee siyaasadda mareekanka maanta lagu loollamaayo sidii codadka dadweynaha mareekanka iyo taageerada dunida ay ku heli lahaayeen labadaa musharrax.

Mr. Barak asaga oo maraaya dalka Jarmalka ayuu ka hadley arrinta Soomaaliya, waxuuna ku tilmaamey dalka Soomaaliya arrintiisu inay mareyso meel halis ah, haddaan wax laga qabanna uu dalkaasi noqondoono meel ay sal dhig ka dhigtaan argagixisada.

Waxuu usoo jeediyey Soomaalidu inay dantooda gartaan , oo ay ka shaqeeyaan sidii ay dalkooda nabad ooga dhalin lahaayeen, waxuujna tilmaamey in heshiiska maalmahaan ka socda dalka jebuuti , ee u dhaxeeyo dowladda iyo Mucaaradka laxoojiyo sidii nabadda loo gaari lahaa.

waxuu tilmaamey wax qabadka dalka Mareekanka eek u aaddan Soomaaliya waxuuna yiri:
" Maamulka Washignton wuxu dhaqaale badan ku taageeray dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,laakiin wali ma uusan garan talaabada ka dhiman ,waxaana loo baahan yahay in ay si toos ah ugacan qabtaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,si daaqada looga saaro Unugyo ka tirsan Al-Qaacida oo jooga gudaha Soomaaliya" .

Obama wuxuu wel-wel & walaac ka muujiyey hadii aan wax laga qaban xaalada Soomaaliya halka ay ku dambeyn doonto ,wuxuuna ugu baaqay dawladdah Caalamka kaalmo deg deg ah oo lala gaaro Kumanaan Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in hadii aan maanta wax laga qaban Soomaaliya ay bari noqon doonto goob amaanka caalamka waxyeelo loogu geysto.

Warkan ka soo yeeray Barack Obama ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xili ay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dooneyso ciidamo xoog leh oo la keeno Soomaaliya ,kuwasoo lugu badalayo ciidamada dawladda Itoobiya.

Inkastoo maamulka Bush uu ku dhawaaqey waxyaabaha laga dhaxli karo hadii lugu deg dego saarida ciidamada dawladda Itoobiya tan iyo inta laga helayo ciidamo gaaraya 26,000 kuwasoo badalaya kuwa Itoobiya, haddana xaaladda heerka ay maanta mareyso ayaa ah mid u baahan in degdeg loo gaarsiiyoi umadda ku tabaleysan dalka gudahiisa.

Xafiiska shabakada jammaame



Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005