Waayahaan dambe waxaa soo krdhey afduubyada loo geysanaayo hay'adaha gargaarka banii'aadanka ka wodey dalka Soomaaliya, gaar ahaan dadka ku barakacey dalka gudahiisa.
Aqoonyahanno ku sugan Gobolka Bay ayaa waxay baareen kuwa ka dambeeyo afduubyada ka dhacaayo siiba gobolka sh.hoose, kuwaasi oo ay ka soo jeedaan, waxaana ay ogaadeen dadka ka dambeeyo arrintaasi ka baxsan banii'aadan nimada.
Saa darteed waxay codsi usoo jeedinayaan odey dhaqameedka ay kasoo jeedaan kuwa afduubka ku kacey, gaar ahaan xubnahii laga afduubey hay'adda WFL , oo ay ka mid tahay ina Suldaan, taasi oo horsed u ah xaalad aan la qiyaasi Karin natiijadeeda.
Arintaa afduubka xubnaha hay'adda WFL ayaa waxaa ka dambeeyey rag ka soo jeedo Habar Ejji _ Cayr, saa darteed odey dhaqameedka beeshaasi waxaa codsi loogu soo jeedinayaa in xaaladdaasi foosha xun ee ay ku kaceen, kuwa ka tirsan beeshaasi inay tillaabo ka qaadaan .
Saa oo kale aqoonyahanka Habar Ejji- Cayr, waa inay arrintaasi kasoo saaraan bayaan ay ku cambaareynayaan, si aysan u noqon arrinta mid loo saariyo beeshaasi oo idil, oo maanta , gobolka ay ka joogaan xaasas iyo carruur iyo dad masaakiin ah oo aan dhibaato, leheen.
Waxaan ka codsaneynaa, dhibaatada afduubka ee ay ka dambeeyaan Nuuriye Cali Faarax iyo Maxamed Daahir, una geysteen Carruuro Agooman ah iyo Hooyooyin gacanta ay ku hayeen xubnaha hay'adda WFL, ay u dheertahay Haweeney amiirad ah oo uu dhaley Suldaankii beesha Biimaal.
Waxaan indheergaradka beesha Habar Ejji _Cayr ay tillaabo degdeg ah ka qaadaan sidii loo soo deen lahaa Suldaanad faaduma Xaajow iyo xubnaha lala afduubey, isla markaana laga bixiyaa cudur daar , lana xaal mariyaa beesha loo geystey xad gudubka aan gambasho leheen.
Sidaasi waxaa ku dhawaaqey indheer garad iyo aqoonyahanno ku sugan gobolka Bay siiba magaalada baydho, oo kasoo jeedo gobolka shabeellada hose ka dib markii ay baaritaan ku ogaadeen kuwa dhibaatada afduubka u geystey Suldaanad Faaduma Xaajow.