Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

21/07/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Maquuste Daahir Aweys oo ku gacansaydhay heshisikii isbaysi ku sheegga

Sheekh Xasan Dahir Aweys oo hogaamiya garab ka mida golahii barakacay ee Maxaakiimta kana tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa si rasmiya u shaaciyay inuusan ku qanacsaneyn qodobadii dhexdhexaadinta ee garabyada Maxaakiimta ku gorfeeyeen Magaalada Sanca.

“ Mashaa’iiqdii ka soo laabatay Sanca waanu kulanay,waan isla eegnay qodobadii,anagoo ku guda jirna qiimeeyntooda ayaan telefishinada ka aragnay labadii Shariif oo ka qudbeeynaya shir ay ku qabteen Djabouti,kuna shaaciyeen in lagu ansixiyay heshiiskii 09 June ay kula saxiixdeen dowlada Cabdulahi Yusuf sidaas daraadeed wada hadaladii Sanca wixii ka soo baxay,waxay ku dhamaadeen shimbirayahoow heesa”ayuu yiri Sheekh Aweys oo telefoon kula hadlay Waagacusub.

Sheekh Aweys wuxuu nadar ku maray inaysan xabad joojin hirgeleyn inta askari Itoobiyaana jooga Ciidda Soomaaliya,wuxuuna dhinaca kale xusay in xabad kala hortagaan Ciidan ajnabiya hadii Soomaaliya la geeyo.

“ Xariga alle ayaan qabsaneynaa,dagaalka xornimadoonka waan wadeeynaa,Isbaheysiga ragga ka qaloocday waan buuxineynaa xilalkooda,waxaana ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Muqaawimada dagaalka wada inay iskaashadaan,kana fogaadaan ku xadgudubka shaqaalaha samafalka iyo cidkastoo aan dimbi gelin,diintii ay doonto ha aaminsanaatee”ayuu si dhiiranaan ka muuqato ugu nuux nuuxsaday Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Hadalka Sheekh Xasan Daahir ayaa ka dhigan mid uu si cad ugu laalay qodobadii ka soo baxay Yemen kuna muujiyay inay dhamaatay rajadii laga qabay isfaham laga dhex abuuro isaga iyo Shariif Sheekh Axmed oo ay ahaayeen tiir dhexaadyadii Maxaakiimta dhinacyada Fulinta iyo Shuurada lixdii bilood ee 2006 Waxaa xusid mudan sida caadada u ah maquuste hasan daahir aweys inuu shirqoolo shekh sharif shekh axmed maadaama uu si cad uga soo horjeestay fikirkiisa guracan.

Waxaa qoraalkan soo diyaarshay
Mohamed Hussein osman
mxuseen@yahoo.com
mxuseen840@hotmail.com

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005