Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

13/07/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

DEEGAANKA BIIMAAL OO LA IIBIYEY

Qoraalkani waxaa laga yaabaa inay dhaliilaan dadka qaar hase yeeshee waxaan doonayaa inaan beesha Biimaal aan u caddeeyo meel kastaa ee ay joogaan , arrinta ay indhaha ka qabsanayaan, siyaasiyiin, aqoonyahan, indheer garad iyo culumo iyo waayeelba.

Muddo 18sannadood ayaa gobolka lagu wodey iibin in yer in yer, ilaa ay hadda ka gaartey gobolka oo idilba in la iibiyey, taasi oo aysan dooneynin in ay naftooda u sheegaan, run ah, in deegaanka beesha Biimaal la iibiyey.

Haddaba waxaan u caddeynayaa, in Biimaal meel kastaa ay joogaan aysan ku tala gelin inay sheegtaan gobolka shabeellada hoose, waayo dhulkooda waa la woda iibiyey, waxaana iibiyey xildhibaannada oogu jiro dowladda federaalka ku meel gaarka ah.

Xildhibaannadaa ayaa waxay woda siisteen in yer oo aan ka badnen fadhi iyo marduuf qaad ah, amase quraarad biyo kulul , taasi oo ay kaga maarmeen deegaankii awowgood, oo aysan dooneynin inay ubadkooda iyo waxii ay dhaleen ku nastaan sida ay ayaga oogu soo nasteen ooguna soo barbaareen.

Waxayna ka iibiyeen beel soo habowdey , kana timid gobollada dhaxe, kuwaasi oo dhibaato aad u fara bdan ku haaya, dadka deegaan , una geysto, dil kufsi, dhac , boob iyo dil, aan tilmaan lahayn.

Saa darteed dhibaatada lagu haayo Biimaalka miyi iyo magaalo waxay gaartey heer aan la tilmaami Karin, haddaad kasoo qaadid miyiga waxaa dhacda, dhulkii awowyaasheenna in manta laga iibiyo biyaha ceelasha amase webiga, oo neefka xoolaha ah, loogu waraabiyo qiimo dhan 10000 sh.so., ayagana lag iibiyo inta ay ku qubeysanayaan iyo inta ay cabbayaan, iskaba daa beerahii oo la dhacey .

Magaalooyinka waxaa dhacda in aan loo oggolaan in shaqo laga siiyo , waxaa dhaca in hay'adaha gargaarka banii'aadanka aysan ka shaqeysiinin, Biimaalka , inta ka shaqeysana ay yihiin kuwa xildhibaannada laftooda ay ku qaraabtaan oo u daba dhilifleeya oo u woda war geeyana kuwa ay dhulka ka iibiyeen.

Waxaa intaasi ka daran inay arrintu gaadhey in dilalka loo geysto ay eyda kasoo qotaan xeebaha magaala madaxda Biimaal, oo loo geeyo daawasho, ayna ka hadli Karin amase aysanba ka hadlin , taasi oo ah af wax cuney xishood, ayada oo la ogyahay inay ku jiraan xildhibaannada sharci aqoon iyo xeer ilaaliyayaal,hase yeeshee waxa uu qof iska iibiyo ayaaba uusan ka daba hadli Karin.

Xildhibaannadaani beesha Biimaal oogu jiro barlamaanka amase dowladda xubnaha ku jira ayaa noqdey kuwa aan ka hadli Karin in jaamac Below uu isu magacaabo gobolkooda , inuu guddoomiye ka yahay, amase aysan ka weyneen inuu Indha cadde ku tilmaamo ayaga iyo beeshooda kuwa aan ka weyneyn bisad gidaar fadhida, aysanna istaahilin in maamul loo dhiibo.

Biimaalow talo adiga ayaa ku nool , ayadase kugum noola..

Xildhibaannada ku jira barlamaanka waa dadka iibiyey dhulkiinna, saa darteed waxaa idin bannaan inaad si toos ah oola xariirtaan dowladda federaalka aadna xubnahaasi iska beddeshaan, waa haddii aad weli is leedihiin dowlad ayaa jirto, haddii kalese waxaa idin bannaan inaad qorigiinna amase qaansi yio fillar tay doonto ha noqotee inaad iska dhicisaan cadowga idin haysata.

Cadowgaasi oo uu ugu horreeyo kuwa dowladda idin matila , kuwa hay'adaha gargaarka idin haayo oo idin kala dilo, kuwa u dusdusa beesha idin gumeysato, kuwa ka soo horjeedo danahiinna inaad gaartaan, waxaase runtu tahay , beeshaan iska qaban keeda xun, inay meel xun u dambeyneyso, Biimaaloow tasho, haddaad nolol iyo jiritaan dooneysaan.

Intaa waxaa idin ku dheer , mooryaantiinna oo aan awood u leheen inay aar gutaan amase ay keli yaqaaniin, inay ayaga is xadaan oo ay is dhacaan, amase ay u basaasaan kuwa xildhibaannadood kula tartama inay u shaqeeyaan kuwa idhaha ka saara, amase waayeelkooda habeen iyo maalin gacmaha ka xira oo soo lalmiya.

Biimaaloow baashaal ka bixiweydeen , bushiga idin haayo baan ma leeyahay?mase is baanandoontaan?!!!goormaase aad is baanandoontaan !!! ma markii la idin bara kiciyo, mise markaan dhamaataan, ileen dil, kufsi , dhac idin ma yeree, goormaad garandoontaan inuu bukaankiin aad adinka u sababtihiin?????!!!

Waxaan hubaa inuu hadalkeyga dhibaayo inta ay boog ku taal, intase runta aragtana waan ogahay inay sida aan sheegey ay qabaan, hase yeeshee aysan ku hadlin, anigase waan u bareerey inaan runta u sheego tolkeyga, oo aan u gubto habeen iyo maalin, wayna ii garaabayaan inta sideyda daacadda u ah, inta kalese ha u garaabaan kuwa calooshood u shaqeystayaasha ah iyo daba dhilifta aan woda ognahay ayaga waa ay is ogyihiin.

ee geesiyow ha guban waa laguu maqan yahaye, dhulkeygiyow samir Biimaal waa soo socdaaye!!!

Cabdallow Xaayle Maclin
L/h:jamaal Maxamed Mursal
jmm278@hotmail.com

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005