Shir uu qabtey wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya kana dhacey magaala madax gobolka Bay ee Baydhoba , ayaa waxaa kasoo qeyb galey xubno ka tirsan xildhibaannada dowladda.
Shirka waxaa si gaar ah, uu dhex marey xibnaha ka tirsan dowladda federaalka ee beesha Biimaal, shirkaasi oo lagu falanqeeyey arrimaha gobollada ay degaan beeshaasi, oo muddadii ay dowlad laa'aantu dalka ahaa, ku jirey gacmo beelo aan deegaan ku leheen gobolka.
Waxaa shirkaasi kasoo qeyb galey , Xildhibaananda beesha gaar ahaan Xildhibaan Av. Subeer, xildhibaan, Nuur xuseen, Xidhibaan Maxamed Xasan, xildhibaan Moostaro, iyo mudane Cabdi Cali Jamaame, iyo Generaal Cabdiraxmaan Baalbaal, iyo xubna kale oo farabadan, oo ka tirsan beeshaasi.
Shirkaani ayaa waxaa kala qeyb galey xibno firfircoon ka tirsan beesha ee debed joogga ah , gaar ahaan duqa beesha Biimaal ee dalka U.K. mudane Abuukar Ibraahin, oo leeka telefoonka xariir dheer la yeeshey ,kana hadley aragtida beesha ee reer U.K.
Waxaa kale oo xariir dheer la sameeyey shirka guddoomiyaha maamulka BBB ee reer Jeddah Xasan Sheekh Cismaan, oo halkaasi ka soo jeediyey aragtida maamulka BBB gaar ahaan, iyo aragtida beesha Biimaal ee reer Jeddah .
Shirkaani waxaa si gaar ah looga hadley dhibaatooyinka ka jira, isla markaana sidii looga saari lahaa , oo sii gaar ah loogu falanqeeyey , waxa hor taagan ee dhibaatadaan sal ballaarsatey , hase yeeshee shirkaani ayaa waxaa lag caddeeyey in ay tilaabooyin cad cad laga qaadi doono sidii loo hor marin lahaa nabadda iyo amaanka gobollada ay beesha degto.
Xildhibaannadani oo ay hor kacayaan wasiirka gaashaandhigga iyo general Balbaal, ayaa ballan qaadey inay ka shaqeen doonaan sidii loo hormarin lahaa isla markaani u mideen lahaayeen xoogagga horumarinta gobolka shabeellada hoose , loona mideen lahaa dadaalka loogu jiro maamul u dhisidda gobolka shabeellada hoose , looguna saleyn lahaa cadaalad iyo sinnaan.