Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

10/07/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

WASIIRKA GAASHAAN DHIGGA OO LA HOR KEENEY BARLAMAANKA

Waxaa muddo xildhibaannada barlamaanka ay doonayeen inay la xisaabtamaan xubno ka tirsan dowladda Nuur Cadde.

Waxaa la sugaayey inay hor yimaadaan wasiirka gaashaan dhigga dowladda federaalka iyo wasirrka arrimaha gudaha, hase yeeshee maanta waxaa soo horjoogsadey wasiirka gaashaan dhigga oo arrimo badan ka hadley.

Xildhibaannada ayaa ku eedeeyey wasiirka gaashaandhigga Mudane:Muxyidiin Maxamed Xaaji Ibraahin, in nabad gelyada dalka gaar ahaan gobollada koonfureed ay dhibaatada amaan darrada ku soo siyaaddey, taasi oo wasiirku uu ka bixiyey arrimaha sababey, ahna kuwa caqli gal ah.

Wasiirka ayaa sheegey in dalka Soomaaliya ay hadda ku suganyihiin ciidamo ku filan ilaalinta amaankiisa, hase yeeshee waxuu caddeeyye inaysan jirin miisaaniyad loogu tala galey ciidamada xoogga dalka, si ay u sugaan amaanka dalka.

Waxuu yiri wasiirku ciidamo aan ahaaysan dhaqaale, amase mushaahar, iyo daawooyin, ma dhici karto inay wax qabtaan, taasi oo uu ku eedeeyey dowladda inaysan wasaaraddiisa u qoondeynin, miisaaniyad ay wax ku qabato.

Waxuuse caddeey in dalka ay usoo tababarteen ciidamo ku filan ilaalinta iyo sugidda naddiisa, hase yeeshee ilaa hadda aan loo haaynin wax dhaqaale ah.

Taasi waxay ka dhigantahay ayada oo dowladda tababarka inta ay soo siiyo , haddii aan loo diyaarin dhaqaale ay ku noolaadaan, ay noqondoonto inay ka cararaan ciidamadaasi, taasi oo keeni doonto amaan darro dheeraad ah.

Oogu dambeentii waxaa la sugayaa in dowladdu usoo qoondeyso dhaqaale ku filan ilaalinta amaanka iyo sugiddiisaba, si loo gaaro nabad gelyo,taasi oo ay u dheertahay , ayada oo la sugaayo inay Ethiopia kala baxdo ciidamadeeda dalka goor dhow, taasi oo waajib kaga dhigeyso dowladda inay xoogga saarto sidii ay u howl gelin lahayd ciidamada Soomaaliyeed .

Maxamed C/laahi yamyam



Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005