Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

09/07/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Guddiga BBB oo canbaareen xoog leh usoo jeediyey afduubayaasha Xubnaha WFL

Annaga oo ah guuddiga Badbaadinta Beesha Biimaal waxaan canbaareyn xoog leh usoo jeedineynaa, inta ku kaca afduubka foosha xun, ee ay qaar damiir la' u geysanayaan qaar shisheeye ah oo gargaar la dhex wareega umadda Soomaaliyeed ay macluusha iyo baahida leyneyso.

Isla markaana afduubayaashaa oo aan kala soocin rag iyo dumar, shisheeye iyo sokeeye midna, keli ay u muuqato sidii dhibaatada loogu kordhin lahaa umaddaan tabaaleysan ee la liidata baahida iyo abaaraha, cudurka iyo dagaallada ka jira dalka.

Waxaan usoo jeedineynaa inay aayatiinkooda dambe ka fekeraan, kuwa ku kacaaya afduubka , isla markaana eegaan dadka ay afduubteen iyo waxa ay ku kacaayeen, oo ah howl banii'aadan nimo .

Gaar ahaan kuwa gacanta ku haayey kumaan kun agooma ah, iyo hooyooyin caruur gacanta ku haaya, oo ay kuwa damiir laa'weyaal ah, ay ka dileen raggooddi, , isla markaana dadka la afduubey , oo ahaa kuwa ka taageeri jirey umadda Soomaaliyeed xag caafimaad iyo xagga wax soo saarka beeraha.

Hay'adda WFL ayaa dalka ka caawinjirtey xagaa waxsoo saarka beeraha oo ay ku noolaayeen umada badan oo Soomaali ah, hase yeeshee falkaani lagula kacey guddoomiyaha hay'adda iyo Suldaan Faaduma Xaajow ayaa waxay ka dhigantahay ula jeeddo laga leeyahay in umadda deggan gobolka shabeellada hoose laga curyaamiyo dhinacyo fara badan oo ay hay'addaani u haaysey muddadii dalka uu ahaa dowlad la'aan intisa badan.

Haddii aannu nahay guddiga maamulka BBB waxaan si xoog leh u canbaareyneynaa kuwa ku kacaayo falkaan foosha xun, waxaana soo jeedineynaa in umadda Soomaaliyeed ay tillaabo adag ka qaadaan , kuwa doonaayo inay ka horjoogsadaan, gargaar kastaa ee lala doonaayo in umaddaani wax lagu taro.

Waxaa la hubaa in la ogyahay kuwa falalkaani ku dhaqaaqaaya, saa darteed beelaha ay kasoo jeedaan ayaa loo baahanyahay inay tillaabo ka qaadaan , haddiise ay taasi dhici weyso, waxaa loo baahanyahay kuwa isku haayo dalka, inay tillaabo mideysan ka qaadaan , kuwa falalkaani ku kacayaan, sida dowladda iyo maxaakiimta Islaamiga iyo Al-shabaab ay arrintaani ka hortegaan, oo keli aysan ahaan, in qeyb walbo keli canbaareyso kan beelahooda ka tirsan, ee waa inay si woda jir ah u canbaareeyaan, arimahaan kuwa ku kacaayo.

Waxaan si gaar ah u canbaareyneynaa, kuwa fara ku dhiiglayaasha si gaadmada ah ku diley guddoomiya hay'adda UNDP, allaha u naxariistee, mudane Cusmaan Cali Axmed.

Saa oo kale waxaan canbaareyneynaa in allaale inta ku kacey falalka afduubyada ka geystey dalka gudahiisa,kuwaasi oo ah kuwa aan ka fekerin sumcadda dalka iyo umadda Soomaaliyeedba.

guddiga BBB
g_bbb62@hotmail.com
Badbaadinta Beesha Biimaal

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005