Guddiga maamulka BBB , ayaa dhisan muddo kooban , laguna askumey magaalada Jeddah, ayada oo ay kasoo qeyb galeen asaaskiisa odey dhaqmeedka beesha Biimaal indheer garadka ku sugan dalka Sacuudiga, dhallinyero, aqoonyahanno.
Guddigaani ayaa loo xilsaarey inuu ka shaqeeyo sidii xubnaha beesha uu u tixgelin lahaa, kana saari lahaa dhibaatooyinka ku haaysto dalkan ay joogaan gaar ahaan, iyo sidii uu wax qabad weyn oogu yeelan lahaa deegaannada beesha, dalkii hooyo.
Muddada gaaban ee uu jiro guddigaani waxuu isku xilsaarey inuu soo dedejiyo hawlo fara badan oo laga doonaayo inuu ka qabto dalka hooyo, gaar ahaan , iyo sidii uu isku xira lahaa qurba joogga beesha.
Waxuu xarriiro fara badan la yeeshey xubno ka tirsan beesha oo ku sugan dalka debeddiisa gaar ahaan dalalka reer Yurub, iyo kuwa bariga dhaxe, isla markaana waxuu xariir xoog leh la yeeshey dalka gudahiisa.
Guddiga ayaa waxuu xariir la yeeshey dhallinyero , siyaasiyiin, odey dhaqmeed, iyo culumo, u dhashey beesha , ayaga oo ka amba qaadaayo sidii loo mideen lahaa wax qabadka beesha meel kastoo ay joogaan.
Gaar ahaan waxaa shirar fara badan iyo xariirro ay intaa la woda yeesheen , ayaa waxaa ka soo baxey, in la mideeyo wax qabadka , ayada oo guddigaani ay maamulidoonaan guud ahaanna ay xubno ku yeelandoonaan dalaalka kale.
Ayada oo guudigaani uu diyaariyey hab tira koob loo aruuriyo beesha meel kastaa ee ay joogaan , kuwaasi oo weliba xagga wax qabadkooda loo tixgelindoono.
Waxaa kale oo maamulka guddiga diyaariyey waraaqooyin aqoonsi ah oo loo tixgelindoono , xubin kastaa ee ka tirsan beeshani , wax qabadna ka geysato, taasi oo hadda uu u socdo, woda hadal arrintaasi ku saabsan, una dhaxeeyo guddiga iyo odey dhaqameedka iyo siyaasiyiinta iyo culumada.
Taasi oo noqondoonto in xubin kastaa ee wax tar u leh beesha , waa inay lahaataa kaar "Card" lagu aqoonsado kana soo baxa guddiga maamulka BBB, lehna lambar u gaar ah , oo ka tirsan tira koobka beesha, wax qabadkeeda, kaasi oo loogu tixgelindoono xubintaasi goorta ay dalka ku laabato, amase wax tar ka helidoonto maamulka meel kastaa ee ay joogto xubintaasi.
Waxaa guddiga ku dadaali doonaa sidii uu dalalka dunida meel kastaa ay joogto beesha oogu ogaan lahaa, taasi oo wax weyn ka taridoonto, horumarka ay la doonayaan gobollada ay beeshu deggantahay.
Guddiga maamulka oo ah, xubno u jajaban howl qabadka iyo horumarinta deegaanka beesha, isla markaana ku tala jiro inay u noqdaan tilmaan lagu deydo, mideenta umadda Soomaaliyeed meel kastaa ee ay joogaan, taasi oo ku saleysan ogaanshaha xubin kasta meesha ay joogto .
Ayada oo dalalka qaar ay mideeyeen mideenta dhaqaalaha. Wax qabadka , oo ah in hal meel laga hago, sidii aysan u dhicin dhibaatada ah lacagaha is dhaafka dalka loogu diro kana dhalato dhibaato aan marna dan u ahayn beesha iyo deegaankaba.
Guddigani waxuu diyaar u yahay inuu qaato waxii aragti ah ee ku dhisan horumarinta maamulka iyo danaha deegaanka. Ayada oo xeerar horumarineed iyo dastuur lagu kala dambeeyana loo dejiyey muddadii gaabneyd ee uu jirey .
Waxaa guddiga lagala soo xariirikaraa., ilaa iyo waqti e-mailka guddiga.: