Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

05/07/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Bidhaanka nabad gelyada yaaysan u muuqan !!

Wararka kasoo yeero dunida ayaa u kala qeybsan , sida wararka kasoo yeero Soomaaliya, oo kala ah, mid taageersan dowladda iyo mucaardka heshiiskii ay ku galeen jebuuti ,iyo qaar kasoo horjeedo heshiiskaasi, waxaana kala taageersan hadba dowladaha danta ku leh, inuu heshiisba burburo iyo kuwa doonaayo inuu heshiiska meel maro.

Waxaase meesha ka baxsan shacbiga Soomaaliyeed maxuu doonayaa, maxaase dan u ah!! taasi waa mid aysan labada qeybood dheg u dhigin, inkastoo la filaayo kuwa doonaayo nabadda inay danta umadda ku jirto, hase yeeshee, halka ay boogta ku taal nin walbo wuu arkaa , waase ka indha qabsanayaa.

runtu ma ahan , heshiis diidmo iyo dagaal doonis, hase yeeshee dalka waxa burburinta ku haayo ayaa ah in yer oo danta ku heshiin la', taasi oo ku saleysan qabyaalad ay ku hoos qarsoontahay dano shaqkhsiyaad gaar ah, taasi oo aan ku dhamaankarin , in la saxiixo heshiis iyo in la dagaallamo midna, waayo heshiiska waxaa ka dhalanaayo inay dano kuwa diiddan ay ku burburaan, dagaalkana waxaa ku burburaayo dalka iyo danta umadda iyo danta qaarka u ololeynaayo.

Haddaba heshiiskii ka dhacey Jebuuti, waxuu noqon karaa mid ay ka soo bidhaameyso if yer, oo laga yaabo inuu naacow wanaagsan usoo horseedo umadda, hase yeeshee taasi ma raalli gelinkartaa, ragga aan shirka kasoo qeyb gelin , isla markaana hormuud aka ahaa, kasoo horjeesadka dowladda federaalka, oo markeedii horey ku saleysneyd, doonitaan madaxtinimo?

waxaa hubaal ah inaysan raalli ka noqonkarin , ayaga oo weliba garab ka helaayo in badan oo hoosta damac ka leh, inay jogo ka helidoonaan , haddii ay ku guuleystaan maamulka ay doonayaan, waxaase dhinac taal, kuwa maanta heshiiska woda galey, oo laf ahaantooda dantooda ay ku jirto inay ka qeyb galaan dowladda soo socoto, ayaa waxaa hor taal , awood aan yereen oo mucaarad ah, oo cusub, isla markaana salka ku haayso hab qabiil, ;oo hugiyey shaadh diimeed.

Haddaba mucaaradada iyo dowladda intuba waxay ku dhisan yihiin hab qabiil, mana dhici doonto in ay askumaan amase abuuraan qaran , umadda ku nagaato, waxaase la la'yahay, rag daacad ay ka tahay doonitaanka qaran, saa darteed ifka ka soo baxey shirkii Jebuuti, waxuu ku socdaa meel mugdi ah, haddii aan la dedejinin qodobadiisa, oo ay u horreyso bixitaanka iyo imaatinka Ciidamada QM.

Inkastoo la hubo, in kuwa dagaallada maanta ka wodo dalka gudahiisa, aysan joojindoonin, hase yeeshee waxay marada ka dhaceysaa goorta heshiiska meel marintiisa labada dhibcood ee nabad gelyada sugideeda iyo gumeysiga saaritaankiisa, taasina waxaa laga doonayaa Q.M. iyo dowladaha doonaayo inay Soomaaliya noqoto meel nabadeysan.

haddiise la waayo fulinta arrintaasi waxay noqoneysaa, kuwa maanta diiddan nabadda inay guu; iyo garab ka helaan shacabka maanta laba qelbeynaayo, taageeridda mucaaradka iyo diidmada mucaaradka, maalintaasi arrinta waxy u dhamaandoontaa, in laga quusto Qaran Soomaaliyeed oo qarnigaan lagu nagaado, waayo qabyaaladda ayaa noqondoonto midda keli talisa, taana waxay noqoneysaa in sida tan iyo si ka xun leysu haaysto.

Biidhaanka ifka waxuu ku xiranyahay meel markiisa hadba sidii loo dedejinlahaa meel marinta qodobada aan kor kusoo xusney, waxaase xusid mudan, umadda oo woda noqotey woda dhuuni raac, oo qof walbo uu keli ka fekero, sidii uu asaga u dhici lhaa walaalkii, taasi oo ka timid aqoondarrida ka jirta dalka guud ahaan, taasi oo ah jiilalka soo kacey oo aan oqoon nidaam dowladeed waxa uu yaho, iyo halka ay dheefta guud ku jirto, saa darteed ay mar walbo la gaashaan buursadaan hadba qof ku qabiilka ah, ayaga oo aan waxba ka daba helin.

yaase ka dhaadhicindoono umaddaan woda indhoolka ah, in ay dantooda ku jirto inay iftiinka soo bidhaamey inay raacaan oo ku mitidaan, inta kasoo horjeeddana u tuso jidka toosan halka uu ku jiro,ayna ka tanaasulaan taageeridda gar darrada iyo hab qabiil u dhimashada inay ka fiicantahay inay ku midoobaan danta Soomaaliyeed meesha ay ku jirto oo ah qaanuun iyo qaran.

Xafiiska shabakada jammaame



Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005