Waxaa shabakada lasoo xariirey odey dhaqameedyada magaalada beesha Biimaal ee magaalada jamaame, oo uu horkacaayey xaaji Maxamuud Hamuunle, ayaga oo doonaaya in mahad gaar u soo gudbiyaan inta beesha ee ka joogta magaalada Jeddah , dalka boqotooyada Sacuudiga.
Xaaji Maxamuud ayaa sheegey in doorka ay reer Jeddah ka gaysteen xagga wax tarka uu yahay mid lama illoobaan ah taasi oo uu ku tilmaamey "waxay reer Jeddah , dhallinyeradooda iyo odeydooda , iyo haweenkooda, inoo soo gudbiyeen, wax tar aad u weyn, taa haddii aan tilmaamo, waxaa ka mid ah, sida aad u ogtihiin, farta boodboodey ayaan u baahanney in la xiro, taasi oo u baahatey in buundada lagu xiro la hagaajyo, lana sameeyo, taasi oo haddii aan la sameynin, ay dhibaatadeeda noqon lahayd abaar aan goor dhow laga soo kabsan.

Buundadaa sameenteed waxaa ajarkeeda is leh reer Jeddah, taasi oo duco ballaaran ooga soo qaadney inta beeraaley ah ee deggan jamaame iyo hareeraheeda.".
Waxaa kale uu yiri Xaaji Maxamuud asaga oo sii woda ku mahadinta reer Jeddaah" waxaa kale oo ay door weyn ka qaateen dhibaatooyinkii ka dhacey jamaame, oo ahaa dhallineradii walaalaha ahaa ee is laayey, taasi oo si gaar ah ay gacan walaaltinimo leh ka geysteen, sidii loo dejin lahaa xiisada ka taagneyd, isla markaana dhaqaale walaaltinimo, ka bixiyeen, wax qabadkeeda, siiba odeyda oo Xaaji Cumar Moordi, iyo Sheekh Xasan Sheekh Cismaan iyo Sheekh Maxamed Siid cali oo arrintaasi iska xilsaarey xagga la soo xariirka odeyda magaalada iyo reeraha ay dhibaatada gaartey, iyo wax tarka beesha oo ay ka soo abaabuleen cidda inta deggan Jeddah".
Waxaa uu raaciyey Xaaji Maxamuud," mahad Ilaah ayaa leh, ka sokana waxaan ilaahay ka baryeynaa inuu ka sawaabiyo intii wax tarkaasi inoo soo dhiibey, iyo intii inoo soo gudbisey, ilaahay ha ka sawaabiyo, gacantii wax ina soo tarteyna ilaahay ha soo geliyo beddelkeeda oo kheer badan.".

Xaaji Maxamuud ayaa intaasi waxuu raaciyey, codsi uu usoo jeediyey reer jamaame inta debedda ku maqan inay wax soo taraan, caruur fara badan oo halkaani dugsiyo loo rabo, iyo kuwa dhigto oo u baahan wax tar xagga dhismayaasha dugsiyada iyo kharajka macallimiinta oo ay u baahanyihiin in wax looga taro, taasi oo uuj sheegey kharajkeedana aysan ahayn wax buruan oo haddii laba qof iyo intii ka badan aan waxba la ahayn, taasi oo ah mushaaharka macallimiin, loo baahanyahay in la laga shaqeysiiyo."
Oogu dambeentii Xaaji Maxamuud, ayaa waxuu raaciyey hadalkiisa, mahadcelin guud , intii wejiga ilaahay wax usoo dhiibtey, tanina ku tilmaamey xaaladda uu dalka maraayo iinay keentey, hase yeeshee waxuu ku darey" waxaan jeclahay walaalaheyga iyo carruurteyda reer jamaame inay inyer iska soo gooyaan oo adduunyo iyo aakhiro wax tar u yeesha , isla markaana u noqdaan kuwa ku deyasho leh."
Waxaan intaasi sii raacineynaa haddaanu nahay maamulka shabakada jammaame, mahadcelin gaar ah ayaa , waxaan u gudbineynaa, wiilkeenna iyo walaalkeena Axmed Nuur Cabdi oo inoo soo gudbiyey sawirka magaalada jamaame iyo webiga jubba, oo aan jecellahay inaad indhaha oogu raaxeysaan, sidaad usoo xasuusataan nicmada iyo dheefta iyo quruxda jamaame iyo isla markaana u aragtaan halka aad joogtaan , oo aad isu qiyaastaan.
Waxaana mar kale ka codsaneynaa Axmed Nuur inuu tani oo kale mar walbo noogu soo gargaaro sidii aan reer jamaame u xasuusinno dhulkii iyo degaankii, iyo dheefta ay ka maqanyihiin.