Xaley waxaa waraaqo lagu daadiyey jidadka qaar ee magaala madaxda gobolka shabeellada hoose, waraaqahaasi oo ay ku qoran yihiin handidaad loo jeedinaayo , qaar ka tirsan culuma u dhashey gobolka.
Waraaqahaasi ayaa wararka ay sheegayaan inay ka dambeeyaan qaar ka tirsan maamulka gobolka , ayaga oo adeegsanaaya qaar u dhashey gobolka, taasi oo muddooyinkaan dambe u ahaa kuwa maqaar saar u ah beesha gobolka xoogga ku haaysato, sida ay sheegeen indheer garad u dhashey gobolka.
Arrintaasi ayaa ah mid tusaale u noqoneysa ayay leeyihiin , indheer garadkaasi , inay tahay cabsiga xoogga leh eek u soo kordhey kuwa gobolka xoogga ku haastey muddadii 18ka sannadood ee dalka uu dowlad dhexe ay ka maqneyd.
Waxaase maalmahaan soo kordhaaya dhibaatooyinka ka jirey gobolka ayada oo gaar ahaan ay ka billaabatey afduubka xubno ka tirsan hay'adaha gargaarka banii'aadanka, taasi oo ay u dambeysey tii lagu afduubey xubno ka tirsan hay'adda WFL , kuwaasi oo ah Soomaali, isla markaana ah dad u dhashey gobolka.
Dhaliil xoog leh ayay u soo jeedinayaan maamul isku sheegga gobolka ka jiro, oo la ogyahay ayay leeyihiin inuu yahay mid ay ku shaqeystaan kuwii gacanta ku haystey gobolka .
Arrintaani waraaqda ayaa waxay ka dambeysaa , ka dib markii beelaha gobolka deggan ay maalmahaan si is daba jog ah oogu shirayeen meelo ka tirsan deegaanka , taasi oo ay ku woda heshiiyeen sidii loo mjideen lahaa xoogaga beelha deggan gobolka isla markaana looga hortegi lahaa dhibaatooyinka ku soo kordhaaya gobolka.
Cabsiga ka jira gobolka ayaa kala ah laba nooc, mid ku aaddan maamulka oo u baqaaya inay midoobaan beelaha u dhashey gobolka shabeellada hoose, taasi oo natiijadeeda ay tahay inay gobolkooda iskooda u maamushaan ayaga oo u mideysan, isla markaana isku maamulidoono hab cadaalad ku dhisan , wax tarna u leh gobolka dadka deggan iyo kuwa u dhasheyba.
Cabsiga kale ayaa waxuu yahay in dhibaatada lagu kordhiyo , dadka masaakiinta ah ee kusoo barakacey gobolka dhexdiisa, taasi oo haddaba billaabatey, ayada oo la afduubaayo kuwa quudiya, oo ah hay'adaha qaranka iyo kuwa shisheeyahaba, taasi oo sii kordhindoonto, is woada qabsashada beelaha deggan gobolka.
Qaar u kuur galey arrimaha gobolka ayaa waxay sheegayaan , in gobolka ay ka billaabatey is baheysi ballaaran oo u dhaxeeya beelaha deggan miyi iyo magaalo, ayada oo ay ka billaabtey abaabullo maamul iyo is habeen, taasi oo ka dhalatey markii ay dadweynaha gobolka ay dul qaadkii kasoo woda dhamaadey.
Ayaga oo in muddo ka war sugaayey dowladda federaalka, iyo maamullada ka jira oo noqdey isla kuwii shaararka u soo woda beddelinjirey, kuna takri fala dheefta gobolka, isla markaana dib u heshiisyada ka socda dalka gudahiisa iyo debeddiisaba ay noqdeen kuwa ay hor boodayaan, kuwii dhibaatada ku haayey ilaa silligii dowlad la'aanta uu dalka ahaa.
Waxaase ka soo yeeraaya indheer garad ka tirsan gobolka , in Waraaqahaani ay yihiin kuwa lagu kicinaayo dadka gobolka u dhashey, aysan ahayn mid lagu baqdin gelinaayo culumada iyo inta lala tilmaamey, hase yeeshee ay noqondoonto, mid kiciya deb ma demaan ah.
Ayada oo weliba gobolka ay ka billaabatey is ticmaalidda hubka oogu khatarsan, ee ay fillarta aan codka leheen,iyo ableyda iyo eebada, taasi waxay dhalindoontaa inay noqoto mid u horseedda dhibaatooyin aan kasoo kabsi leheen, isla markaana xalkeeda uu yahay mid degdeg ah.
Waxaase la sugayaa waraaqaha kuwa daadiyey ee gobolka u dhashey iyo kuwa ku adeegta, oo billaaba fuliyana hanjabaadda ay waraaqaha kusoo qorteen meel mugdi ah.