Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

01/07/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Afduubka oo kusoo kordhey hay'adaha sama falka dalka Soomaaliya

Waxaa maanta uu aafduub ka dhacey meel u dhaxeysa magaalada Afgoy iyo Magaalada Xamar, taasi oo loo geystey xubno ka tirsan hay'adda WFL " Water For Life" .

Hay'addaasi oo saldhigeeda uu yahay magala madaxa gobolka shabeelalda hoose, taasi oo ilaa muddo 10 sannadood gobolkaasi ka haaysey howlo fara badan.

Hay'addaani ayaa gacan weyn ka geysan jirtey , xagga beeraha, waxabarashada , xanaanada carruurta ogoomanka, siiba waxay gacan ku haaysey xarada agoomanka Dr. Ayuub, oo ay joogaan ilaa caruur tiradooda kor u dhaafeysa 7500 carruur.

Waxaa maanta la afduubey guddoomiyahii hay'addaani oo la yiraahdo , mudane Maxamed Cabdi Aadan, waxaana la socdey , Faadumo xaajow , iyo Cali Macow iyo xubin afaraad.

Waxaana la hubin halka ay la aadeen afduubayaashaa, xariirro lala yeeshey hay 'adda ayaa qirey inay saakey aroortii usoo ambabaxeen xamar, ayaga oo halkaasi usoo aadey hawl la xariiro wax qabadka iyo baahida hay'adda.

Afduubkaani ayaa waxaa si xoog ley u cabaareeyey aqoonyahannada iyo indheer garadka gobolka, kuwaasi oo soo jeediyey, in si degdeg ah ay usoo daayaan xubnahaani oo gobolka u haayey howl qiimo weyn u leh dadweynaha.

Waxaa kale oo ay tilmaameen in gobolka ay ku soo korodhey amaan darrada , siiba hay'adaha sama falka , oo aan loo kal aaba yeelin ajnabi iyo Soomaali midna.

Waxay ku tilmaameen kuwa hawlahaasi ku kacaayo inay yihiin kuwa kasoo horjeedo nolosha shacabka tabaaleysan, oo ay ka hor istaagayaan kuwii wax tari lahaa, taasina waa mid ka baxsan dadnimada iyo islaamkaba.

Maxamed C/laahi yamyam



Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005