jaaliyada soomaalida itoobiya ee ku dhaqan magaala madaxda Adis ababa ayaa waxaa shir ballaaran oo saacado socday ay laqaateen Wasiirka Gaashaandhiga soomaaliya Mudane Muxyidiin Maxamed Xaaji iyo wafdi uu hogaaminaayo.
WAfdugaasi ayaa waxaa kamid ahaa Generaal Cabdiraxmaan Baal Baal iyo xubno badan oo kale, shirkaasi oo ka dhacey Hoteel Gion, oo ku yaalla bartamaha magaalada Addis Ababa .
kasoo qeeb galayaasha shirka ayaa waxaa kamid ahaa xubno fara badan o ka tirsan jaaliyadda ayse ka mid ahaayeen mudanayaal can ah sida:-
1- korneel Cabdi Cali
2- Xogheeyaha guud ee jaaliyada Cabdicasiis Axmed C/laahi kablow
3- Axmed sheeq Cabdi Wahaab
4- Maxamed sheeq Calow
5- Cabdullaahi Ijow isaaq
6- Axmed sheeq Cali muumin
shirka ayaa waxaa looga hadlay waxyaabo badan oo muhiimada weyna ay ahayd sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka ka aloolsan dalka gaar ahaan caasimada Moqdosho.
.
wasiirka ayaa waxa uu sheegay ujeeddada uu u yimid Ethiopia ay ahayd inuu shir la yeesho madax kala duwan kana mid yihiin madaxda dalka itoobiya iyo wasiirka Gaashaandhigga Uganda iyo wasiirka Gaashaandhigga Burundi taasi oo daba taagan kuwa ciidamo kusoo gargaarey dalka Soomaaliya iyo madax kale oo afrikaan ah.
Wasiirka oo wax laga weydiiyay heshiiskii Dowladiisu lagashay mucaaradka ee ka dhacay dalka jabuuti sida uu u arko, taasi wasiirka wuxuu sheegay in ay ka soo baxeen arrimo wax ku ool ah,. waxaa kaloo wasiirka laweeydiiyay Xabad joojintii lagu dhawaaqay shirka jabuuti ayna weli ka socoto Muqdisho xabaddii,iyo. Sidii laga yeeli lahaa kooxdaasi rabshadaha kawada Moqdisho? .
wuxuuna wasiirka ku jawaabay in ay dowladiisu wax ka qabanayso mustaqbalaka dhow, isla markaana aysan waxba ka reeban doonin sidii nabad ay dadka ku nastaan loo heli lahaa, taasi oo aan geeddheer iyo geed gaaban u kordoonto dowladdiisa, iyo inta mucaardka ah ee heshiiska woda saxiidey.
Geba gabadii shirka ayaa waxa uu Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Muxyidiin Maxamed Xaaji ka soo qeeb gala yaashii shirka u soo jeediyay ammaan iyo bogaadin, iyo inay ka shaqeeyaan sidii nabadda dalka nabadda loogu soo dabaali lahaa.