Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

24/06/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Shir ballaaran oo lagu ansixiyey guddiga BBB

Shirar fara badan oo si is daba jog ay u yeesheen indheer garadka , odey dhaqameedka , aqoonyahanka beesha Biimaal ee ku sugan magaalada Jeddah, kuwaasi oo lagu soo doortey guddi farsamo gaar ah., oo ka kooban ilaa iyo 15 xubnood, una xilsaaran sidii sare loogu qaadi lahaa , garaadka , wacyi gelinta, iyo waxqabadka beesha inta qurba joogga ah. gaar ahaan, iyo sidii deegaannada beesha wax loo tari lahaa.

Guddiga farsamada xubnahiisa kala duwan ayaa isu xilsaarey inuu soo dejiyo shuruuucdii maamulka beesha lagu kala hagi lahaa siiba kuwa qurba joogga ah, iyo habka maamulka guud ee beesha iyo guddiyada ba.

Ka dib muddo bil ah ayaa guddiga waxay soo saareen qodobbo dhowr ah oo ku saleysan hab maamul cadaalada ku dhisan, isla markaana lagu gaari karo horumar iyo kala dambeen.

Ka dib marka ay taariikhdu ahay 20/06/2008 waxaa fadhi ballaaran oo ay soo qabanqaabiyey shir dhex mara odey dhaqameedyada iyo guddiga oo halkaasi ay ku bixiyeen war bixinno ku saabsan wax qabadkii guddiga .

Shirkaa waxaa ka soo qeyb galey suldaan Maxamed Cabdulqaadir Muudey , ugaas Nuur Cadaawe, guuddomiya Beesha Biimaal Xaaji Abuukar Ibraahin Faarax iyo ku xigeenka Guddomiyaha Xaaji Cumar Maxamed cali iyo inta badan oo ka kala tirsan odey dhaqameed, indheer garad aqoonyahan, dhallinyero, kaasi oo ka dhacey Jeddah, xaafadda caneekish, aqalka Xoghayaha guddiga Mudane cabdirazaaq Cismaan Nuur, saacaddu marka ay ahayd 4 galbanimo, sharkaasi oo socdey ilaa iyo 10 fiidnimo.

Halkaasi waxaa lagu soo bandhigey waxqabadkii guddiga iyo waxa ay ka qabaan odeyda , taasi oo ku billaabatey aayado quraameed uu akhriyey Ugaaska beesha sheikh Nuur Caddaawe , ka dibna waxaa hadalka shirka furey guddoomiyaha guddiga BBB mudane Xasan Sheekh Cismaan.

Guddomiyaha ayaa hadalkiisa ku furey mahadnaq uu u jeediyey marka hore xubnaha shirka kasoo qeyb galey oo ka kooban xilkaska beesha , iyo sida ay oogu doorteen xilkaani culus, oo ay dusha ka saareen waqtigaan asagana culus , hase yeeshee ku tilmaamey in ay asaga iyo guddigiisa ay diyaar u yihiin sidii ay beesha ooga samata bixin lahaayeen.

Waxaa kale oo mahad gaar ah u jeediyey xubnaha guddigiisa , oo uu ku tilmaamey inay yihiin madaalayaal, iyo sida ay waqtiyadooda oogu xureen wax u qabashada beesha xilli ayaga oo daallan oo shaqo ka yimid amase ay usoo dhaafeen danahooda gaarka ah, sidii ay hawshaani u meel marin lahaayeen.

Halkaasi waxaa lagu soo bannaan dhigey astaanka iyo magaca guddiga oo ka kooban BBB" Badbaadinta Beesha Biimaal", isla markaana ka muujiyey meesha astaanta uu leeyahay guddiga oo tilmaan cad u ah, barwaaqada gobolalda beesha.

Halkaasi waxaa lagu soo bannaandhigey dastuurkii lagu maamuli lahaa beesha guud ahaan, waxii gaar ahna dib loo dhigey , ayada oo waqtiga lagu xisaabtamaayo, ka dibna waxaa odeyda la weydiistey sida markii horeyba ballanku ahaa, in ansixin odeyda ay siiyaan guddiga sidii uu u qaadi lahaa tillaabooyinka loo xil saarey.

Waxaa halkaasi ka Hadley guddoomiyaha beesha iyo ku xigeenkiisa iyo Suldaanka , waxyna si woda jir ah oogu caddeeyeen inuu guddiga howshiisa billabo sida oogu dhaqsiyaha badan, isla markaan halkaasi laga caddeeyey in guddiga BBB in la kordhiyo xubnahiisa , iyo in guddiyo fara badan la sameeyo sidii loo fududeen lahaa hawsha ballaaran e ee guddiga sugaaya.

Waxaa isla fadhigaasi lagu gaarey go'aan ah, in qodobada dastuurka la ballaariyo dibna loo ansixiyo inta dhiman, isla markaana wacyi gelinta la kordhiyo si ay beesha u woda ogaadaan faa'idooyinka ay ka daba heli karaan maamulkaan.

Dhanka kale guddiga ayaa shirey ka dib markii uu xunahiisa la buuxiyey, shirkaasi oo ka dhacey aqalka mudaney Sh. Cabditawaab sh, Xasan oo ah sharci ilaaliyaha guddiga, halkaasi oo uu guddoomiyaha uu kusoo bandhigey , aragtida diwaan gelinta iyo sawirka kararka beesha ay oogu tala galeen diwaan gelintooda.

Guddiga ayaa soo saarey kaarar seddax nooc kala ah, kala leh midibbo kala duwan , isla markaana kala qiimo ah, oo loo kala saarey Casaan(gaduud) Odeydhaqameedka, Huruud oo ah kan xubnaha guddiyada iyo Cagaar oo ah kan dadweynaha .

Kaararkaasi oo ay ka muuqaneyso xubinta magaceeda, iyo jagada ay beesha ka haayso, taasi oo si buuxda leysku raacey daabacidda karaka iyo sidii loogu qeybin lahaa, qeybdaha bulsho weynta .

Guddiga ayaa soo jeediyey in nidaamka iyo habka maamulkaani in laga dhigo mid ay beesha oo idil woda wadaagaan , sidii wax loogu qabanlahaa gobolka dadka ku tabaanleysan iyo kuwa dalka boqortooyda joogaba.

Guddiga BBB ayaa soo jeediyey codsi ah in hawshaani tahay mid loogu gol leeyahay sidii beesha sare loogu qaadi lahaa meel kastaa ee ay joogan, saa darteed waxuu guddiga diyaar u yahay ruux walboo beeshaani ka tirsan in looga baahanyahay in xubin kastaa ee beesha ka tirsan inay qaataan habkaan maamulka iyo weliba diyaar ay oogu yihiin sidii ay wax ogu qaban lahaayeen dadkiida iyo deegaankooda.

guddiga BBB
g_bbb62@hotmail.com


Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005