Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

23/06/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Shir aad u ballaaran oo ka dhacey Nairobi

Shir si gaar ah loo soo abaabuley ayaa ka dhacey magaalada Nairobi hotelka Hilton kaasi oo ay soo qabanqaabiyeen xubna ka tirsan is bahaysiga dib u xureenta Soomaaliyeed ee fadhgoodda uu yahay Asmara qeybta heshiiska la galey DF, shirkii Djebuuti.

Shirkaa waxaa ka Hadley xubnaha oogu sarreeyo isbahaysiga, oo uu ka mid yahay guddoomiyaha Sheekh Sharif , kana Hadley dhowr arrimood , oo ay dadweynaha ka tabanaayeen inuu ka dhaadhiciyo.

Shirkaani ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa ee ay qabtaan isbaheysiga dalka debddiisa, tan iyo intii la asaasey , halkaasi oo ay isku yimaadeen dad tiradooda kor u dhaaftey ilaa kun ruux kuwaasi oo ka kala socdey bulshaweynta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Shariifka ayaa ka hadley shirkii jebuuti oo ku tilmaamey inay danta iyo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed u galeen, taasi oo uu yiri, dagaalkii muddada soo socdey dhibaatadiisa waxay ku dhaceysaa umadda , waxna laguma xureen , haddii heshiis lagu saari karo ciidamada Ethiopianka , waa maxay ayuu yiri waxa diidaayo.

Shariifka ayaa ku tilmaamey khilaafka u dhaxeeya xubnaha is baheysiga inuusan ahayn mid sidaa u buuran, inkastoo ayuu yiri, xubnaha diiddan heshiiskaani ay yihiin kuwa aad u muhim ah.

Hase yeeshee waxuu usoo jeediyey xubnaha diidan, inay sugaan ilaa iyo 120ka maalmood ee loo qabtey ciidamada Ethiopianka inay dalka kaga baxaan, haddiise ay kaga bixiwaayaan, waxuu yiri, dagaalka marna ma jojindoonno, haddiise ay ku baxaan, wauu ku yiri xubnaha diidan waa inay nasoo raacaan.

Waxaa shirka ka hadley xubno fara badan oo ka tirsan is baheysiga iyo dadweynihiin ka soo qeyb galey qaar ka tisan, waxaana halkaasi laga caddeeyey in heshiiska jebuuti uu yahay mid u horseedi kara umadda nabad gelyo in kasaaritaanka ciidamada Ethiopinaka dalka.

Kalsoonida oo ay caddeeyeen xunaha ayaa ah , inuu caalamka oo idil ay ku garab taagan yihiin heshiiskaani, haddii ay Ethiopinka muddada loo qabtey ay kaga bixiwaayaan, ay dhicidoonto inay garab kaga heleen dunida sidii dagaal looga saari lahaa dalka Soomaaliya.

Xafiiska shabakada jammaame



Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005