Shir jaraaid uu xafiiskiisa ku qabtey Ra'iisul wasaare Nuur xasan Xuseen, waxuuna rajo weyn ka muujiyo heshiiskii dhowaan ay dow3ladda iyo Xubka ka tirsan mucaaradka ay jebuuit ku galeen.
Waxuuna shirkaasi ku caddeeyey inay dowladda si buuxda u hirgelindoonto heshiiskaasi, oo aysan waxba ka reebandoonin sidii uu ku meel mari lahaa, waxuuna rajo weyn ka muujiyey wax tarka uu leeyahay heshiiskaani .
Waxuuna yiri"Waxaan aaminsanahay haddii jawi nabadeed ay abuuraan labada dhinac inaan loo baahan doonin ciidamo Shisheeye oo nabad ilaaliya, ciidamada Itoobiyana wey baxayaan xitaa haddii aaney soo dhameystirmin ciidamada Q/Midoobay".
Oogu dambeentii waxuu baaq u jeediyey dadweynaha Soomaaliyeed inay taageeraan heshiiskaani sidii dalka loo samata bixin lahaa, teeda kale waxuu baaq u jeediyey dowlada Aafrikaanka oo idil inay Soomaalida dalalkooda jooga ay gacan siiyaan , kuwaasi oo kasoo cararey dhibaatada dagaalka ka jiro Soomaaliya, maciin moodey dalalkooda sida dowladda Koonfurta Aafrika.
Waxuuna caddeeyey inay dowladda federaalka ay xariirro fara badan la yeelatey dowladda koonfur Aafrika sidii Soomaalida halkaasi ku dhibaateysan wax looga qabanlahaa dhibaatada haysata, taasi oo buuri ay naga ballan qaadeen inay wax ka qabandoonaan.