Sheikh Xasan daahir Aweys oo 18sano ka mid ah hogaamiyaasha ku loolamaayey mar uun in ay qabtaan talada dalka ayaa xiligaan ah mucaaradka sidaweyn ugu soo horjeedo nabad ku soo dabaalida Soomaaliya isagoona aminsan nabad uusan isaga keenin in aysan ka dhalan karin Soomaaliya.
Sheikh Xasan Daahir ayaa ku eedeyey Sheikh Shariif in uu ka leexday wadadii uu u jeexay taana ay keentay in uu qaato talo aan lala ogeyn oo jeebkiisa ah .
Sheikh Xasan ayaa sheegay sheikh Shariif in uu Mareykanka dhinaciisa u wareegay taana ay keentay in aan ku fadhiisto booska Sheikh Shariif Sheikh Axmed markii la gaaro 3 Julay 2008 waxii xiligaa ka danbeyana aniga ayaa ahaan doono gudoomiyaha isbaheysiga dib u xureynta.
Sheikh oo u warmaayey wargeyska Al-sharqal Awsad isagoo ku sugan Asmara ayaa la ogeen waxay ay ka badali doonto xil shaqsi laga qaado uu shaqsi kale ku fadhiista taasoo aan ku cusbeen Soomaaliya oo 18sano ee la soo dhaafay hal urur uu u kala jabay 10 urur waxaana laguxasuusan karaa Cali iyo Ceydiid oo hal urur ku heshiinwaayey oo keentay bur burka gaaray Soomaaliya .
Intabadan hogaamiyasha urur Soomalida ayaa xaasaskooda iyo ilmahooda ku nool yihiin wadamada Dibadda taana waa tan keentay in aysan u danqan shacabka Soomaalida ah ee lagu duqeynaayo Soomaaliya Si kastaba ha ahaate cadowga guul ayey u tahay mar walba oo soomalida dhaxdeeda is qilaafto waxaana la hubaa waxaan midnimo lagu helin in aan tafaraaruq cid ku heleysaa aysan jirin.